Cabdicasiis Samaale Oo Qaatay Kaadhka Shirka Golaaha Dhexe, Kana Jawaabay Warar Ku Saabsan In Loo Diiday Ka Qayb Galka Shirka Kulmiye

0
944

Hargeysa, (HargeisaPress) — Maalmihii u dambeeyay ayay saxaafadda qaarkeed tabisay warar ku saabsan in madaxtooyadu diiday in musharax Cabdicasiis Samaale qaato kaadhka lagu galayo shirka golaha dhexe, hase ahaatee waxaa maanta xarunta xisbiga iska xaadiriyay Cabdicasiis Samaale oo qaatay Kaadhka, waxaanu waxba kama jiraan ku tilmaamay wararkaasi.

 

“Waxaa farxad weyn ii ah inaan maanta xarunta xisbiga imid, anigoo u imid inaan kaadhka qaato. Waxaan u mahadnaqayaa guddoomiyaha, xoghayaha iyo hogaanka xisbiga oo warbixin wanaagsan iga siiyay siday hawshu u socoto. Waxaan ku faraxsanahay inay hawshii dib u bilaamatay iyadoo la wada wado oo la midaysan yahay, horena waan u sheegay kalsoonida aan ku qabo xisbigayga Kulmiye,” ayuu yidhi Cabdicasiis Samaale.

 

Cabdicasiis Samaale wuxuu sidoo kale ka jawaabay wararka saxaafadda qaarkeed ku soo baxay “Waan arkaa warar saxaafaddu baahisay oo meel ay ka keeneen aan la garanayn, xalay ayaa website-yada qaarkood la galiyay Cabdicasiis Samaale golihii dhexe ayaa laga saaray, Kaadhkii ayaa loo diiday, ma garanayo runtii warkaasi meel uu ka yimid, waxaan isleeyahay waxaa haboon in saxaafaddu qorto waxay hubiyaan,” ayuu yidhi Mr Samaale.

 

Cabdicasiis Samaale oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi raaciyay “ Anigu xisbiga musharax  madaxweyne baan ka ahay inshaa Allah, rag aanu saaxiibo nahay ayuu tartan naga dhexeeyaa, waxaa ka mid ah walaalkay Kijaandhe, walaalkay Muuse Biixi, walaalkay Maxamed Biixi Yoonis iyo inta ku soo korodhaba tartan xalaal ah oo walaalnimo ayuun baa naga dhexeeya. Hawsha xisbigana hogaanka ayaa leh oo aanu uga dambeynaa, dadka isku imanayaana waa golihii dhexe oo liiskooda la hayo aniguna aan ka mid ahay guddida fulinta iyo golaha dhexeba.”

 

Cabdicasiis Samaale waxa uu sheegay in tartan xalaal ah oo xor ah ay ka rajaynayaan inuu dhex maro musharaxiinta madaxnimada u tartamaya iyo kuwa madaxweyne xigeenka u tartamayaba” Damaca aanu leenahay iyo tartanka naga dhexeeyaa waxaan rajaynayaa inaanu na kala kaxayn doonin ama aanu cadow iskaga kaayo dhigi doonin,” ayuu yidhi Mudane Samaale.

 

Cabdicasiis Samaale wuxuu ugu dambeyn taageerayaashiisa u sheegay inuu calafkiisa ka qaadi doono tartanka “ Waxaan u sheegayaa golaha dhexe ee aniga I dhisaya, waxaan u sheegayaa guud ahaan xisbiga Kulmiye, waxaan u sheegayaa taageerayaashayda gudaha iyo dibadaba inaan ahay musharax madaxweyne oo aan calafkayga ka qaadayo tartanka,” ayuu yidhi Samaale.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here