Guddoomiyaha Maktabadda Qaranka Oo Socdaal Ku Tegay Laascaanood

0
644

Laascaanood (HP): Guddoomiyaha Maktabadda qaranka Somaliland Axmed Daahir, ayaa booqasho ku tegay magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.


Waxaanu guddoomiyuhu kulan la qaatay badhasaabka gobolka Sool, guddoomiyaha jaamacadda Nugaal, qaar ka mida macalimiinta dugsiyadda sare ee Laascaanood iyo xubno ka socday ururadda dhalinyaradda ee ka shaqeeya dhiiri gelinta dhinaca qoraalka iyo akhriska.
Waxaanu guddoomiyaha Maktabadda qaranku buugaag ku wareejiyay maamulka gobolka Sool iyo maamulka iyo macalimiinta jaamacadaha iyo dugsiyadda sare.


Badhasaabka gobolka Sool oo kulanka ay la qaateen guddoomiyaha Maktabada qaranka ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyay waxyaabihii ay ka wada hadleen.

Waxaanu yidhi, “Maanta waxaa xafiiska maamulka Gobolka Sool, nagu soo booqday guddoomiyaha Maktabadda Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmed Daahir.
Kulan aan la qaatay waxaa igala qayb galay Taliyaha Qaybta booliska, Guddoomiye ku xigeeenka guddoonka Waxbarashada Gobolka, ku xigeenka Jaamacadda Nugaal iyo qaar ka mid ah maamule-yaasha dugsiyada sare”.

Geesta kale C/qani Jiidhe, ayaa tilmaamay in isla kulankaasi uu guddoomiyaha Maktabada qaranku ku wareejiyay Website lagu daabici doono maluumaadyado kala duwan.

Waxaanu yidhi, “Guddoomiyaha Maktabadda ayaa nagu wareejiyey Buugaag, uu kala waday Jaamacadda Nugaal iyo Dugsiyada sare ee magaalo madaxda Gobolka ee Laascaanood.

Dhan kele isla maanta waxaanu Gobolka ku daah furnay Mareeg Online ah cilmi.org ( Website) oo uu leedahay Maktabadda xafiiska Qaranku. Kulankani inta uu socday”.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi, “Waxaanu ku gorfayannay muhiimadda wax akhriska iyo dhigaalka, isla markaana ay waajib tahay dawr weyn inaan la wada siiyo, lana dhiiri geliyo”.

Badhasaabka Sool ayaa intaas raaciyay, “Himillooyinka iyo barnaamij siyaasadeedka xukuummadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi hoggaaminayo, waxay ahmiyadu weyn u leh horumarinta aqoonta si albaabbada loogu laabo jahliga” ayuu ku yidhi badhasaabku qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here