Guddoomiyaha KULMIYE oo Shacabka ka Tacsiyadeeyey Geerida Suldaan Jaamac Cismaan Aadan

0
946
Marxuum Suldaan Jaamac Cismaan Aadan

Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Mudane, Muuse Biixi Cabdi oo ka wakiil ah hay’adaha xisbiga ee Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe, garabyada xisbiga, laamaha gudaha iyo dibadda iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga KULMIYE waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, bahda dhaqanka iyo guud ahaan shacabka Somaliland geerida ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Suldaan Jaamac Cismaan Aadan oo ku geeriyooday dalka Jabuuti maanta oo taariikhdu tahay 04/03/2017.

Marxuum Suldaan Jaamac Cismaan Aadan waxa uu ka mid ahaa madaxdhaqameedka reer Somaliland ee mar walba jecel ka shaqaynta nabadda iyo samaha bulshada dhexdeeda, waxaannu ahaa addoon afgaaban oo caanku ahaa in afkiisa iyo gacantiisaba laga nabadgalay.

Guddoomiyuhu waxa uu Marxuum Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada iyo shacabkana Samir iyo Iimaan saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here