Guddoomiyaha KULMIYE oo Kormeeray Bilowga Diiwaangelinta Codbixiyayaasha ee Berbera + SAWIRRO

0
856

Berbera , (HargeisaPress) — Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kormeeray hawsha diiwaangelinta codbixiyayaasha ee magaalada Berbera oo guud ahaan ay si rasmi ah uga bilaabantay Gobolka Saaxil maanta.

muse kor 5

Guddoomiye Muuse Biixi oo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayaa diiwaangelinta codbixiyayaasha ku tageen Gobolka Saaxil si ay uga qaybqaataan hawsha qaran ee qaadashada kaadhadhka codbixiyayaasha doorashooyinka u qorshaysan horraanta sannadka 2017, waxa isaga iyo madaxda kale ee xisbal-xaakimku kormeereen goobo ka mid ah kuwa dadweynaha laga diiwaangalinayo ee magaalada Berbera gudaheeda si u qiimeeyaan habsami-u-socodka diiwaangelinta, isla markaana dadweynaha ugu dhiirrigeliyaan ka qaybgalkeeda.

muse kor 7

Murrashaxa Madaxweynaha xisbiga KULMIYE ee doorashada soo socota Md. Muuse Biixi Cabdi oo bilaabay kormeerkiisa kadib xaflad kooban oo loo sameeyey shaacinta bilowga rasmiga ah ee diiwaangelinta gobolka Saaxil oo xubnaha Komishanka Doorashooyinka iyo madaxda axsaabtu ka qaybgaleen fagaaraha 26-ka June ee Berbera, waxa uu booqday dhawr goobo diiwaangelineed oo ka mid ah kuwa dadweynaha laga siinayo waraaqaha kaadhadhka, kuwaas oo ay ka mid yihiin goob ku dhextaal fagaarahaasi iyo mid kale oo ah wajahadda dekedda Berbera, waxaanna Guddoomiyaha iyo masuuliyiinta kale ee wehelinayey si kooban uga xog-waraysteen hawlwadeennada fulinaya diiwaangelinta siday hawshu ugu socoto iyo inay jiraan wax caqabado ahi, isla markaana waxay ku dhiirrigelinayeen dadweynaha inay u dulqaataan kulaylka iyo kuyuugga qaadashada kaadhka codbixinta.

muse kor 4

Dhinaca kale, Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo hadal kooban ka jeediyey xafladda shaacinta bilowga rasmiga ah ee diiwaangelinta codbixiyayaasha Gobolka Saaxil waxa uu ku hambalyeeyey Komishanka Doorashooyinka iyo shaqaalaha fulinaya diiwaangelinta shaqada ay hayaan iyo xamilka culayskeeda.

muse kor 11

“Diiwaangelinta codbixiyayaashu waa hawl qaran oo aynu u midaysanahay, islamarkaana aynu is-diiwaangelino, Ilaahay waxaan ka rajaynayaa inay inoogu dhammaato nabadqab halkan iyo saddexda gobol ee hadhay, Ilaahay idinkiinna aynu gaadhno doorasho xor iyo xalaal ah waqtigii loo qabtay,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi.

muse kor 2

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here