Guddoomiyaha Kooxda Xiddigaha Geeska Oo Si Adag Uga Hadlay Xadhigga Xukuumadda Somaliland kula kacday Afar Fannaaniinta Kooxda

0
937

Guddoomiyaha Kooxda Xiddigaha Geeska Abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul (Laab-saalax), ayaa Saxaafadda ugu sheegay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inuu xad-gudub iyo sharci-darro yahay xadhigga Xukuumadda Somaliland kula kacday Fannaaniinta Xiddigaha Geeska, waxaanu ku dooday inaanay ahayn Shaqaale dawladeed ee xubnihii Shaqaalaha dawladda ka tirsanaa, gaar ahaan Waaxda Dhaqanka ee Wasaaradda Warfaafinta uu Wasiirka Wasaaraddaas Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ka saaray Liiska Shaqaalaha dawladda.

Abwaan Laab-Saalax waxa uu ku dooday in wakhtigan Fannaaniinta iyo Abwaaniinta Xiddigaha Geesku aanay jirin cid ka tirsan oo dawladda u shaqaysaa, balse ay dhammaantood afartanka xubnood ee ay Kooxdu ka kooban tahay ka madax-bannaan yihiin dawladda Somaliland. Waxaanu ku baaqay in Sharciga lagu dhaqmo, si dhakhso ahna xorriyaddooda loogu soo celiyo Afarta Fannaan ee u xidhan Xukuumadda Somaliland.

KOOXDA SHIRKA

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here