Dagaal Muslimiin iyo Masiixiyiin ku Dhexmaray Caasimada Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika

0
1018

BANGUI, (HargeisaPress) โ€” Ugu yaraan 10-qof aya lagu dilay 38-qof oo kalena waa lagu dhaawacay kaddib dagaallo oo Sabtidii shalay ku Dhex-maray Dalka Bartamaha Afrika dhalliyaro Muslimiin iyo Masiixiyiin ah.

Iska-horimaadkaan oo ka dhacay bartamaha Magaalada Bangui ee Caasimadda Dalkaas ayaa ka dhex-qarxay dhallinyaro taksiilayaal iyo mootooleey isugu jiray, iyadoo dagaalku uu ku fiday deegaanno ka baxsan magaalada oo ay inta badan ku nool yihiin Muslimiinta dalkaas.

 

Hayโ€™adaha Caafimaadka ee Jamhuuriyada Bartamaha Afrika ayaa sheegay in dhaawacyada iyo dhimashadu ay dhammaantood ahaayeen kuwo ka dhashay rasaastii ay dhinacyadu u adeegsanayeen dagaalka.

Ciidamada Qaramada Midoobay iyo kuwa Faransiiska ee dalkaas ku sugan ayaa kala dhex-galay dhinacyadan hardamayay, iyadoo xaaladdu ay maanta tahay mid deggen, waxaana colaaddan ay daba-socotay colaado dalkaas ka jiray labadii sano ee lasoo dhaafay oo u dhexeeyay Muslimiinta iyo Masiixiyiinta.

Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika ayaa lugaha dhiig kula jirtay tan iyo markii laga tuuray xukunka Madaxweynihii hore ee dalkaas sannadkii 2013-kii, markaas oo ay billowdeen colaadaha u dhexeeya Kooxda Islaamiyiinta ah ee Seleka iyo kooxda Masiixiyiinta ah ee Anti-balaka.

Shacab fara badan ayaa ka cararay goobihii ay shalay ka dhaceen colaadaha u dhexeeyay muslimiinta iyo masiixiyiinta, iyadoo tan iyo xalay gudaha caasimada dalkaas laga maqlayay rasaas dhacaysa.

Xukuumadda KMG ah ee Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika ayaa cambaareysay colaadaha soo laalaabtay ee u Dhexeeyay Bulshada kala Aamisan Diimaha kala duwan ee Dalkaas ku nool, iyagoo xukuumaddu ay tidhi.

โ€œColaadahan waa kuwo macno-darro ah oo sannado badan ka socday dalkaan. Waxaana colaadahani ay qalqal-geliyeen deggenaashaha iyo amniga dalka oo dhan, gaar ahaan kan caasimadda.โ€

Ugu dambeyn, Iska-horimaadyo u dhexeeya Muslimiinta iyo Masiixiyiinta ku nool dalkaas ayaa soo laalaabanayay labadii sano ee lasoo dhaafay; iyadoo colaadan ay ku dhinteen boqolaal qof.

 

 

HargeisaPress News Desk โ€” Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here