Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha oo Shaaciyey Inay Bilaabayaan Diiwaan-gelinta Dufcadii Kowaad Ee Ka Baxda Barnaamijka Shaqo Qaran

0
1452

Hargeisa (Hargeisa Press) – Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dowlada Somaliland Farxaan Aadan Haybe, ayaa shaaciyey in dhowaan ay bilaabi doonaan kaydinta xogta Ardaydii ducadii kowaad ee ka soo baxday barnaamijka shaqo qaran.

Farxaan Aadan Haybe guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dowlada Somaliland wuxuu sheegay in Ardaydaas oo tiradoodu dhan tahay kun iyo laba boqol iyo saddex xubnood, kuwaas oo hawl-wadeeno ka tirsan hay’adda shaqaalaha dowladu ay ugu tagi doonaan gobolada Somaliland.

Guddoomiye Farxaan wuxuu sheegay inay ku bilaabi doonaan dhalinyaradii barnaamijka shaqo qaran ee gobolka Maroodi-jeex, iyadoo diiwaan gelintoodu socon doonto lix maal-mood oo ka bilaabi doonaan 16-ka bishan oo ku beegan maalin Axada, kuna eeg 22-ka isla bisha August ah, taas oo ka bilaabmi doonta xarunta hay’adda shaqaalaha dowlada ee magaalada Hargeysa.

24-ka bisha August ilaa 26-ka bisha waxay ka socon doontaa gobolka Awadal, iyadoo lagu diiwaan gelin doono xafiiska hay’adda shaqaalaha dowladu ku leedahay gobolkaas.

Sidoo kale, guddoomiyihu waxa uu intaas ku daray in ay ku xigi doonaan gobolada Togdheer, Saaxil, Sool, iyadoo gobolka u dambeeya oo ah Sanaag ay diiwaan gelinta ardaydaas shaqo qaran ay ka bilaabmi doonto 5-ta September, iyadoo socon doonta illaa 7-da bisha September.

Ugu dambayn Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dowlada Somaliland Farxaan Aadan Haybe wuxuu ardayda dufcadii u horaysay ee shaqo-qaran ku adekeeyay inay goobahaas iska diiwaan geliyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here