Guddoomiyaha Guurtida Oo Siyaasadeeyey Bedelka Xildhibaan Guurtida ka Dhintay

0
1269

Hargeysa, (HargeisaPress) β€” Salaxu-diin Maxamed Siciid Dhiif, oo ah Wiil uu dhalay Xildhibaan ka tirsanaan jiray Golaha Guurtida Somaliland oo Geeriyooday sanadkii 2006-ka, ayaa sheegay in Kursigii Xildhibaannimo ee Aabbihii ka geeriyooday laga duudsiiyey , kaasoo sida uu sheegay looga qaaday Nin kale oo uu dhalay Marxuum Aabbihii ka dhaxlay Kursigaas, xilli aanu isugu buuxin karin jagadaas Da’diisa oo yarayd awgeed.

Kuraasta Golaha Guurtida ahaa sharci ahaan ku dhisan hanaan dhaxal-tooyo ah, iyadoo sida dhacda Mudane kastaa booska uu baneeyo uu ka dhaxlo qofka ugu dhow Qoyskiisa ee gudan kara xilkaasi, haduu wiilkiisa yahay iyo hadii uu ehelka kale noqdo hadba cidii qaban karta.

Sidaasoo ay waxa uu Salaxu-diin Maxamed Siciid Dhiif, qoraal cabasho ah oo uu soo gaadhsiiyey Wargeyska Yool waxa uu ku sheegay in Kursiga Guurtida ee uu ku dacwiyayo Aabbihii ka geeriyooday sanadkii 2006-kii, markaasoo Beeshiisu isku waafaqday inaanu buuxin Karin jagadaas da’ahaan, isagoo ahaa Wiilka ugu wayn Qoyska Aabihii ka tegay. Waxa uu intaas ku daray inuu wakhtigaas ku qancay talaabada laysku hortaagay, hase ahaatee mar labaadkii sanadkan 2015-kii uu geeriyooday Xildhibaankii Aabbihii bedelay, kaddibna uu damcay inuu iminka isagu dib u soo ceshado Kursigaas, maadaama sida uu ku doodday uu gaadhay da’dii xilkaas uu ku qaban lahaa, balse mar kale loo diiday sababo ka baxsan cudur-daarkii hore looga joojiyey, taasoo ku sifeeyay qadiyad siyaasaddeed oo xaglina, iyadoo Kursigii lagu wareejiyey Wiil uu dhalay Xildhibaankii Aabihii bedelay.

Arrintaasoo uu ku eeddeeyey inay ka dambeeyaan xubno isugu jira Siyaasiyiin iyo Odayaal Beeshiisa ka soo jeeda oo taageero u raadinaya Xisbiga talada haya ee Kulmiye, kuwaasoo sida uu farta ku fiiqay gacan saddexaad ka helay Guddoomiyaha Guurtida, ayaa waxa uu tilmaamay in loogu daray handidaad shakhsiyadiisa lagula kacay, isagoo baaq u diray Madaxweynaha iyo Guddoonka Golaha Guurtida oo uu ka dalbaday in arrintaas loo dhug yeesho.

waxaanu Qoraalkiisa ku bilaabay sidan: nigoo ah Salahudiin Maxamed Siciid Dhiif, kana soo jeeda Bariga Sanaag, waxa jirtay inuu Alle ha naxariistee Abbahay oo ka mida ahaa Asaasayaashii Somaliland, uu geeriyooday sanadkii 2006-dii, wakhtigaasoo aan anigu ugu waynaa walaalahay dadyduna ahayd 22 jir, kaddibna Da’dayda oo yarayd awgeed laygu diiday inaan buuxiyo Jagadii aabbahay ka dhintay oo uu galay Marxuum magaciisa la odhan jiray Siciid Cali Nuux oo Alle ha naxariistee geeriyooday bilowgii 2015-ka.

Kadib geeridii Siciid cali Nuux, waxa dhacday in anigoo Da’ ahaan iyo aqoon ahaanba buuxin kara booskii hore uu uga dhintay Aabbahay, kaddib markuu baneeyey xildhibaankii lagu badalay aabahay . waxa dhacday in aan booskii doontay oo aan cuqaashii reerka iyo siyaasiintii reerka u soo bandhigey, dabadeedna qayb ahaan ay iigu garaabeen in aan buuxiyo booskaa. Balse iyadoo halkaa ay marayso ayaa waxa dhacday in ay odoyaal iyo siyaasiin u dhow xildhibaankii Aabbahay bedelay ay booskii geeyeen Wiil 17jir ah oo uu dhalay Xildhibaankaas, Wiilkaasoo aqoon ahaan dugsi sare ku jira maanta, da’ ahaana aan buuxin Karin booska guurtinimo. laguna magacaabo Cali Siciid Cali Nuux, kaasoo loo dhaariyey kursiga 26/02/2015.

Waxaana markii Guddoomiyaha Guurtida loo geeyay waday Odayaal iyo siyaasiyiin dano siyaasaddeed wata oo danaha Xisbiga Kulmiye qorshohoodu salka ku hayo,waxaanay guddoomiyaha Guurtida ku qanciyeen inay Ninkan beeshu isku raacsantahay.

Waxa kale oo dhacday in Waxaa soo dhan marka laga yimaado, anigii dulmanaha ahaa aan kala kulmay cago juglayn iyo hanjabaad aan kala joogsi lahay iyagoo igu leh waan ku xidhi hadaad hadasho waxaan ku war galinayaa gudoomiyaha golaha guurtida iyo dhaamaan golaha guurtida iyo gudida joogtada ah inay Cadalada ku soo Dabaalaan arrinka oo aan u arko duudsi iyo dulmi , kolkaa dhanka cadalada ha laga eego oo hanaloo gar-naqo ninka cadaalad darada ku haysta Booskaygii ee aa da’ ahaan iyo aqoon ahaan toona buuxin Karin Guudtida .”.

Geesta kale, xubno ka mida Siyaasiyiinta iyo Odayasha uu ku eeddeeyay inay ka qaadeen Kursiga Aabihii ka dhintay, oo Wariyeyaasha Wargeyska Yool la xidhiidheen si aanu wax uga waydiino dhankooda eeddan loo jeediyey iyo siday wax uga jiraan cabashada wiilkan, ayaa ka gaabsaday dhankooda arrintaas.

 

 

HargeisaPress News Desk β€” Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here