Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyey Xilliga Ay Kaadh-qaadashadu Ka Bilaabmayso Maroodi-jeex, Togdheer iyo Awdal

0
1435

Hargeisa (Hargeisa Press) – Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Somaliland Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo-raac), oo Maanta Warbaahinta la hadlay, ayaa Sheegay in 31 bishan March ay gobollada Maroodi-jeex, Awdal iyo Togdheer ka bilaabmi doonto qaadashada Kaadhadhka Codbixinta, 30-ka bishana la kala diri doono Gaadiidka, Agabka iyo Hawl-wadeennada ka shaqaynaya Kaadh bixinta oo goobaha loo Cayimay ee gobolladaas ka socon doonta muddo saddex maalmood ah.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Somaliland ayaana waxaa Bulshada gobolladaas ee Kaadhadhka qaadanaysa u diray fariin 

Waxaanu ugu baaqay inay jaaniska ka faa’iidaystaan maaddaama qofka fursaddani dhaaftaa dib u heli doonin Kaadhkiisa, isla markaana raacaan tilmaamaha Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ee Ka hortagga Sadhada COVID-19 oo Dalka Dib uga Dillaacay.

Guddoomiye Riyo-raac, waxa uu sheegay in wixii ka dambeeya qaybtinta kaadhadhka saddexdaas gobol loo diyaar-garoobayo doorashada isku sidkan ee Deegaanka iyo Wakiilladda oo u muddaysan 31-ka bisha May ee 2021-ka, waxaanu u Mahad-naqay Xukuumadda, Xisbiyada iyo Beesha Caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here