Golaha Wakiilada oo Ansixiyay Xeerka Shaqaalaha Dowladda

0
1033

Hargeisa (Hargeisa Press) – Xildhibaanada aqalka golaha Wakiilada Somaliland ayaa fadhi ay maanta yeesheen ku ansixiyay xeerka shaqaalaha dawladda ee xeer lanbar 97/2021, kaasi oo waxka bedel iyo kaabis lagu sameeyay.

Fadhigan ay xildhibaanadu ku ansixiyeen xeerka shaqaalaha dowladda ayaa waxaa shir-gudoominayay guddoomiyaha golahaasi Baashe Maxamed Faarax.

Sidoo kale, waxaa fadhiga ku sugnaa 42 mudane, waxaa xeerkaasi cod aqlabiyad ah ku meel mariyay 36 xildhibaan, halka 4 xildhibaan ay ka aamuseen waxaana diiday 1 xildhibaan, iyadoona aanu Guddoomiyuhuna codayn, sidaasina waxaa ku ansaxay xeerka shaqaalaha dawladda ee xeer lanbar 97/2021.

LEAVE A REPLY