Somaliland: Guddida Qabanqaabada Xuska 18-ka May Oo Bulshada Baaq U Diray

0
1045

Hargeysa, (HargeisaPress) — Guddida Madaxweyne Siilaanyo, u xilsaaray qabanqaabinta 18-ka May, ayaa soo bandhigay hal ku dhigga Sanadkan, waxaanay bulshada ugu baaqeen in si balaadhan loogu soo baxo xuska maalintaas qaran.

Wasiirka Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa ugu horayn sharaxday farriinta ay Bulshada u gudbinayaan “Halkan saaka waxaanu ku fadhinaa Gudidii Uu  Madaxwaynaha somaliland u magacaabay Qaban qaabad maalinta qaran ee 18ka May.Halkan waxaanu doonaynaa inaanu ka sheegno in Maalintan Qaran si mug wayn loogu talo galo in Laga qayb qaato Dibada iyo gudahaba,Qofkii somaliland Ku abtirsadaba meesha uu doono hajoogee inuu siwayn uga qayb qaato Maalintaas miisaanka ay ku leedahay,Gobolada dalka oo dhan waa laga qaban doonaa.

wasiirka maaliyada somaliland oo ah guddoomiyaha Gudida Qaban qaabada Xuska maalintan qaran ee 18ka may ayaa ka hadashay halku dhiga sanadkan looga dhigay xuskan “Sanad kasta Hal ku dhigga ayaa la qataa,sanadkan waxaanu halku dhig uga dhignay markaanu falaqaynay ‘Somaliland Dalkayga Doodi Kama Furna’, Umadda reer somaliland waxa loo sheegayaa in ay Dabaal Dagaan hadana ilaaliyaan Nabad Galiyada ay awal horeba ilaashan jireen hadana u hawl galeen,” ayay tidhi Marwo Samsam.

Wasiirka Warfaafinta ayaa isna Saxaafadda ugu baaqay inay kaalinta u horaysa ka qaataan Xuska 18-ka May “Waxa maanta laydinka doonayaa ee cududa ugu wayni tahay sanad walba ilayn qolo ayaa qaadaysa oo Dabka Sidaysa,Sanadkan Saxaafada somaliland ayaa sidaysa,Kaalinta aynu sanadkan ku jirnaa dhex-dhexaad maaha waa 18-ka may oo qudha”.

 

Xuska Sanad Guurada ka soo wareegtay Xiligii Ay somaliland Xorimadeeda kala soo noqotay Dawladii La isku odhan jiray Somali wayn oo hada laga joogo 24 sanadood ayaa somaliland looga dabaal dagi doonaa Siday iclaamiyeen Gudida qaban qaabada xuska 18ka May.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here