Guddida Qaban-qaabada Doorashadda Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland Oo Ku Dhawaaqay Wakhtiga & Shuruudaha Murrashixiinta

0
931

Hargeysa, (HargeisaPress) —Guddida qaban-qaabada Doorashadda Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland, oo uu guddoomiye u yahay Agaasimaha guud ee wasaaradda dhallinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska Md. Maxamed Xuseen Axmed (Dhabeeye), ayaa ku dhawaaqay  dhawaaqay wakhtiga ay qabsoomi doonto doorashadu iyo shuruudaha looga baahan yahay murrashixiinta.

 

Qoraal saxaafadda loogu talo-galay oo ay ku saxeexan yihiin xubnaha guddida qaban-qaabada Doorashadda Xidhiidhka Kubadda Cagta oo ka kooban 7 xubnood, ayaa u dhignaa sidan:

 

“Dhammaan waxaa la ogeysiinayaa cidkasta oo u sharaxan guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeenka xidhiidhka kubadda cagta Somaliland in doorashadda xidhiidhka la qaban doono taariikhdu markay tahay 27-ka iyo 28-ka bishan July, oo ku began maalmaha Arbacada iyo Khamiista ee toddobaadka dambe.

 

Sidaa darteed waxaa la ogeysiinayaa in murrashixiinta u tartamaya xidhiidhka kubadda cagta Somaliland inay CV-yadooda ku soo xareeyaan xafiiska Agaasimaha waaxda ciyaaraha ee wasaaradda dhallinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska Somaliland, oo ay diyaar ku yihiin xubno ka tirsan guddida qaban-qaabada doorashadda xidhiidhka kubadda cagta Somaliland, laga bilaabo 19-ka ilaa 25-ka July, waxaana ay xidhmaysaa qabashada CV-yadu 25-ka July.

 

Shuruudaha looga baahan yahay Murrashixiinta kala duwan:

  1. Waa inuu yahay muwaadin Somalilander ah.
  2. Waa inuu soo xareeyaa wakhtiga loo qabtay CV dhammeystiran.
  3. Waa inuu maskax ahaan caafimaad qabaa.
  4. Waa inaanay wax Maxkamad ahi ku dhicin, keenaana waraaqda dambi la’aanta ah.
  5. Waa inuu leeyahay aqoon maamul iyo mid Sports.
  6. Waa inuu leeyahay dulqaad iyo hogaamin.
  7. Waa inuu leeyahay khibrad maamul ama Sports ugu yaraan muddo 3 sanno.
  8. Waa inuu wakhti buuxa u heli karaa shaqada xidhiidhka kubadda cagta.
  9. Fiiga ama lacagta khidmadda laga doonayo murrashixiinta waa sidan hoos ku qoran:

–         Guddoomiyaha 800,000/slsh.

–         Guddoomiye xigeenka 800,000/slsh.

  1.  Murrashax kasta waa inaan da’diisu ka yaraan 25 sanno kana weynaan 75.
  2.  Xilalka lagu tartamayaa waa laba jaggo oo kala guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeenka.
  3.  Fiiga waxaa qabashadiisu bilaabmaysaa 19-ka ilaa 25-ka July ugu dambeyn.

 

Guddida Qaban-qaabada Doorashadda Xidhiidhka Kubadda Cagta:

  1. Maxamed Xuseen Axmed (Dhabeeye)   – Guddoomiye
  2. Cabdiraxmaan Aadan Cumar (Awga)     – Xoghaye
  3. Maxamed Nuux Jibriil                             – Xubin
  4. Cabdilaahi Kheyre Cawaale (Gacal)       – Xubin
  5. Luqmaan Cumar Cabdi                            –  Xubin
  6. Iid Jibriil Axmed                                      – Xubin

7.     Cumar Cabdi Aadan (Henry)                  – Xubin

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here