Guddida Doorashooyinka Somaliland oo War Ka Soo Saaray Go’aamadii Qabsoomida Doorashooyinka

0
2027

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddida komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland, ayaa waxaa ay war cusub ka soo saareen go’aamadii qabsoomida doorashooyinka ee ay shalay shaaciyeen ee ay go’aamada kaga gaadheen doorashooyinka madaxtooyada iyo tan ururada.

Qoraal ay guddidu soo saareen, ayaa waxaa ka muuqanaya in shan ka mid ah xubnaha guddida ay saxeexeen go’aanka, taasi oo muujinaysa in ay ka maqanyihiin labada xubnood oo guddida ka mid ah, kana socda dhanka mucaaradka.

Guddida doorashooyinka Somaliland, ayaa waxaa ay qoraalkooda ku soo lifaaqeen go’aamadii ay soo saareen oo ay ku saxeexan yihiin Shan xubnood oo ka mid ah Komishanka Doorashooyinka Qaranka.

 Hoos ka akhriso go’aanka Guddida.

“Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL sida uu dhigay Xeer hoosaadkoodu, marnaba ma baahin warqaddaha go’aamada KDQ soo saaraan ee ay ku saxeexaan yihiin xubnaha KDQ 6aad.

Laakiin taas badelkeeda, KDQ waxa uu go’aamada noocaas ah u baahiyaa hab qoraal/hadal oo aan lahayn saxeexa xubnaha KDQ. Gudoomiyaha ayaa awood u leh in uu ku hadlo afka KDQ marxalladdan, sida uu dhigayo Xeerhoosaadka KDQ.

Haddaba waxaanu caddaynaynaa isla markaana bulshada la waddagaynaa in go’aankii Cayimaadda Qabsoomida Doorashooyinka JSL ee KDQ maalintii shalay soo saaray in ay saxeexeen shan xubnood oo ka mid ah xubnaha KDQ. Ugu dambayn, si aanu bulshada JSL ugu bayaamino waxaanu halkan kula wadaagaynaa Warqaddii Go’aanka ee xubnuhu saxeexeen.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here