Golaha Deegaanka Degmadda Xudun Oo Doortay Maayar iyo Ku Xigeen

0
559

Xudun (HP): Golaha deegaanka ee degmadda Xudun ee gobolka Sool ayaa maanta doortay maayar iyo maayar ku-xigeen cusub.
Iyadoo ay maanta yeesheen kal-fadhigoodii u horeeyay ayaa waxay maayarka u doorteen Maxamed Jamac Xirsi Oogle, halka ay maayer xigeenkana u doorteen Cabdinaasir Cabdiqaadir Guure.


Fadhigii lagu dooranayay maayarka iyo ku xigeenka golaga deegaanka Xudun, waxaa goob joog ka ahaa badhasaabka gobolka Sool, taliyaha qaybta booliska Sool.
Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Sool iyo masuuliyiin kale oo uu ka mid ahaa maayarkii hore Laascaanood C/casiis Xuseen Taarwale.


Badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, oo doorashada kadib ka dareen celiyay ayaa u hanbalyeeyay maamulka golaha deegaanka Xudun ee la doortay.


Waxaanu yidhi, “Ugu horrayn waxaan hanbalyo u dirayaa guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka loo doortay degmada Xuddun. WaxaananRabbi uga baryayaa inuu masuulliyadda u fududeeyo”.
C/qani Jiidhe, ayaa ku booriyay bulshadda degmadda Xudun in ay la shaqeeyaan maamulka cusub ee degmadaasi loo doortay.


“Waxaana bulshada iyo xubnaha golaha deegaaanka ee Xuddun, aan ku boorinayaa inay la shaqeeyaan maamulka degmadan hoggaamin doona” ayuu yidhi guddoomiyaha Sool.

Dhinaca kale waxaa isla maanta maxkamadda gobolka Sool ay dhaarisay xubnaha cusub ee golaha deegaanka Laascaanood.
Kuwaasoo doorashadoodda maayarka iyo maayar ku-xigeenku ay qabsoomi doonto Sabtida soo socota.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here