Wasiirka Deegaanka Oo Ka Qayb Gashay Xuska Maalinta Carruurta Afrika

0
385

Hargaysa (HP: Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga Somaliland Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil, ayaa maanta ka qayb gashay munaasibad lagu xusayay maalinta carruurta Afrika oo lagu qabtay magaaladda Hargeisa.


Wasiirka deegaanku waxay ka soo qayb galayaasha u soo jeedisay in si wada jira looga shaqeeyo barbaarinta Caruurta.
Waxaa wadamo badan oo caalamka ah 17-ka bisha June laga xusaa maalinta carruurta Afrika.

Dhinaca kalena wasiirka Deegaanku waxay ka soo qayb galaasha kula dardaarantay in la ilaaliyo deegaanka. Waayo? Deegaanka oo la ilaaliyo waxaa ay ka qayb qadanaysaa korinta iyo badqabka ubad caafimaad qaba.

DAAWO: HADALKII WASIIRKA:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY