Maamul Gobolka Sool oo Lacag Ku Wareejiyay Guddiga Suuqa Waaheen

0
809

Hargeysa (Hargeisa Press)- Ganacsatada magaaladda Laascaanood iyo shaqaalaha dawladda dhexe ee Somaliland ee gobolka Sool, ayaa caaawimo lacageed soo gaadhsiiyay guddiga heer qaran ee taakulaynta suuqii gubtay ee Waaheen ee magaaladda Hargeysa.

Waxaana qaadhaankaasi lacageed guddiga taakulaynta suuqa Waaheen soo gaadhsiiyay maayarka degmadda Laascaanood C/raxiiin Cali Ismaaciil, oo uu u soo wakiishay badhasaabka gobolka Sool, isla markaana magaaladda Hargaysa kaga wareejiyay guddiga taakulaynta suuqii gubtay ee Waaheen.

Isagoona maayarka Laascaanood qaadhaankaasi lacageed ku wareejiyay guddoomiyaha guddiga heer qaran ee taakulaynta suuqii gubtay ee Waaheen C/rasaaq Xuseen Al-baani, ahna wasiirka wasaaradda Diinta iyo Aw-aafta Somaliland.

Caawimadaasi lacageed oo qadarkeedu dhan yahay $31830, ayay soo bixiyeen ganacsatadda dhexe iyo kuwa hoose ee magaaladda Laascaanood, iyo sidoo kale shaqaalaha dawladda dhexe ee Somaliland ee gobolka Sool.

Maayarka Laascaanood C/raxiiin Cali Ismaaciil, oo qaadhaankaasi lacageed ee ay soo dhiibeen ka warbixiyay ayaa sheegay in caawimadaasi ay ka timid laba dhinac oo kala ah, ganacsatadda hoose, iyo dhexe ee magaaladda Laascaanood, iyo shaqaalaha dawladda dhexe ee Somaliland ee heer gobol, ee gobolka Sool.

C/raxiin Cali Ismaaciil, waxa uu sheegay in caawimadani ay tahay mid kooban, hase yeeshee ay muujinayso hiilka ka dhexeeya ummada reer Somaliland. Maayarka ayaa intaasi raaciyay in ka degmo ahaan ay degmadda Laascaanood hore uga qayb qaadatay caawimadda suuqii gubtay ee Waaheen.

Iyadoona ahayd degmadii ugu horaysay ee ka soo jawaabtay baaqii guddiga taakulaynta suuqa Waaheen, markii uu gubtay horaantii sanadkan.

Geesta kale, guddoomiyaha guddiga heer qaran ee taakulaynta suuqii gubtay ee Waaheen C/rasaaq Xuseen Al-baani, oo caawimadaasi kala wareegay maayarka Laascaanood ayaa ganacsatadda Laascaanood iyo shaqaalaha dawladda dhexe ee Sool  uga mahad celiyay caawimadan ay soo gaadhsiiyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here