Ganacsatada Somaliland oo Hal Arin Looga Digay

0
2965

Hargaysa (Hargeisa Press): Guddoomiyaha baanka dhexe ee jamhuuriyadda Somaliland Cali Ibraahim (Baqdaadi), ayaa digniin u diray ganacsatadda wax ku iibiya qiime aan ahayn ka uu baanka dhexe soo saaray.

Waxaanu sheegay in ay jiraan ganacsato ku xad-gudbay isku bedelka qiimaha sarifka lacagaha dollarka iyo shillinka Somaliland.

Isagoona balan qaaday in ay tallaabo ka qaadi doonaan meherradaha iyo ganacsatadda wax ku iibiya sicir aan ahayn midka uu baanka dhexe soo saarro.

Cali Ibraahim Baqdaadi, waxa uu sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay munaasibad lagu abaalmarinayay shaqaalaha baanka dhexe ee Somaliland lagu qabtay magaaladda Hargaysa.

Guddoomiye Baqdaadi, ayaa ka warbixinayay heerarkii uu soo maray jaan-goynta sicirka isku bedelka lacagta Somaliland iyo dollarka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here