Afrika oo Heli Doonta 220 Milyan oo Xidhmada Tallaalka Covid-19 Ah

0
1104

Hargeisa (Hargeisa Press)- Hay`adda caafimaadka adduunka ee (WHO) ayaa sheegtay in marka uu diyaar noqdo tallaalka Covid-19, ay Afrika heli doonto ugu yaraan 220 milyan oo qeybta hore ee tallaalka ah.

Madaxa barnaamijyada WHO ee Afrika Richard Mihigo ayaa sheegay in mudnaanta la siin doono shaqaalaha caafimaadka ee safka hore ku jira iyo kooxaha nugul.

Wuxuu sheegay in qeybinta ay ku xidhnaan doonto bulshada dal walba ku nool.

Mr Mihigo ayaa intaas ku daray in dhammaan 54-ta dal ee Afrika ay daneynayaan tallaalka Covid-19.

Afrika waxa ku nool bulsho ka badan 1.3 bilyan oo qof.

Barnaamijka tallaalka adduunka oo lagu magacaabo COVAX, ayaa looga gol leeyahay in lagu soo iibiyo si simanna loogu qeybiyo 2 bilyan oo xidhmo oo tallaalka ah wixii loo gaadho dhammaadka 2021.

Sagaal qof oo dunida ku kala nool ayaa lagu tijaabiyay tallaalka.

Laba ka mid ah dadkaas waxaa haatan tallaalka loogu tijaabinayaa Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here