Gabiley: Kastamka Kalabaydh Oo Lacag Malaayiin ah Laga Xaday

0
916

Kalabaydh (HP): Kastamka magaaladda Kalabaydh ee gobolka Gabiley ayaa laga xaday lacag dhan shan milyan oo shilinka Somaliland ah todobaadkan.
Taasoo laga dhex qaatay baabuurka lacagta cashuurta Qaadka ka soo qaada Kalabaydh, isla markaana keena baanka Gabiley.


Lacagtaasi ayaa gaadhiga laga dul qaatay xili uu yaalla guryaha khasanada wasaaradda maaliyadda ee kastamka Kalabaydh horteedda.
Sida ay noo xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah oo aanu la xidhiidhnay.
Dhacdadani ayaa muujinaysa dayacnaanta ka jirta kastamka Kalabaydh gaar ahaana qasnadda lacagta qabto.
Waxaanay wararku sheegayaan in xiliga lacagtaasi la xaday ay goobtaasi joogeen ciidamadda boolisku.
Balse aan la cadayn karin sida ay ku dhacday in lacagtaa aadka u badan laga dul qaato baabuurka.


Geesta kale qofkii lacagta xaday ayaa markii danbe la raadceeyay, iyadoo dib looga baadhay Kamaradda amaanka ee ku xidhan Kastamka oo laga helay qofkaasi.
Balse waxaa la soo weriyay in la aqoonsan waayay wejigiisa.
Lacagta la xaday ayaa lagu ogaaday markii bangiga Gabiley lacagta lagu wareejinayay.
Kadib markii ay shaqalaha baanka Gabiley dib u tiriyeen lacagta cashuurta ah.


Arrintaasi oo la sheegay in ay anfariir ku noqotay shaqalihii lacagta siday ee ka keenay Kastamka Kalabaydh.
Balse markii dib loo tixraacay Kamaradda amaanka oo haysay gaadhiga lacagtu saarnayd in lagu ogaaday in lacagtaasi shanta milyan baabuurka laga dul qaatay.
Halkaasina waxaa lagu ogaaday in ninka xaday lacagtaasi aan ilaa hada si saxa loo qoonsan.
Waxaana loo badinayaa in ninkaasi aanu ka mid ahayn shaqalaha wasaarradaha Maaliyadda iyo ganacsiga ee ka hawl galla kastamka Kalabaydh.


Iyo sidoo kale inaanu xataa ka mid ahayn shaqaalaha Xaamaaliinta iyo sidoo kale dadka la yaqaan ee ka shaqeeya shirkadaha Qaadka.
Dhinaca kale kastamka magaaladda Kalabaydh ayaa maalin kasta waxaa laga soo xereeyaa lacag gaadhaysa 300 oo milyan oo shillinka Somaliland ah.


Taasoo ah cashuurta laga qaado ganacsatadda Qaadka ka keena dhinaca dalka Itoobiya.
Lacagtaasi oo maalin walba lagu soo qaado baabuur aanay saarnay ciidamo ilaalo ah, marka lagu soo xeraynayo baanka Gabiley.
Arrintaasi oo loo arko mid muujinaysa dayacnaanta lacagtaa aadka u faraha badan ee aan ciidan ilaalinayaa jirin.


Si kastaba ha ahaatee dhacdadani ayaa fadeexad ku ah maamulka wasaaradda Maaliyadda ee kastamka Kalabaydh.
Kuwaasi oo u muuqda inay ju fashilmeen sugida amniga goobta qasnadda iyo in aanay ilaa hadda cidna u soo qaban lacagtaasi la xaday.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here