Farmaajo Oo Doonaya In Uu Qaflad Kusoo Rogo Shirar Siyaasiyiinta iyo Odoyaasha Beesha Hawiye Ku Leeyihiin Guriga Sheekh Shariif Sheekh Axmed Muqdisho

0
1720

Muqdisho,(Hargeisapress)–Madaxweynaha Dawllada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, iyo Raysal-Wasaarihiisa Xasan Cali Kheyre ayaa la Sheegay in uu Habeen hore ka Fashilmey Hawlgal ay ku Doonayeen in Weerar Go,doomin ah Lagu Qaaddo Guriga uu Ka Degan Yahey Magaalada Muqdisho Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed Kadib markii ay U Direen Ciidamo Tirra Baddan oo ah Ciidamada ugaarka ah ee Booliska ay Sida gaarka ah utababareen,oo u badan Ciidamadii Nisa laakiin hadda la Baxey Harimacad.

Talaabadan ayaa la Sheegay, in ay Ka Xanaaqeen Cutubyo Wakhti xaadirkan Ciidamada Milatariga Soomaaliya katirsan Kuwaas, oo Gadiidkoodii iyo Ciidamo Tiro badan  kaga Soo baxey Goobihii ay Kusugnaayeen, Islamarkaana, soo Gaadhey Goobaha afarta Wajahadood ee Ciidamada Harimacad kaga Wareegsanaayeen Guriga Sheekh Shariif Sheekh Axmed ee Magaalada Muqdisho,iyagoo u Diyaar Garoobay in ay Ciidamadaasi ka Dareeriyaan Guriga Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed Haseyeeshee, markii ay Ka War Heleen Ciidamada Kadaba Yimid in ay Difaacayaan Shariif ayaa Sida La Sheegay Ciidamadii Harimacad ee Booliska ahaa ka Baxeen Goobtii, Waxaanay Wararku Sheegayaan in ay labadaasi Ciidan Isku Sigteen in ay Isku dhacaan balse, Markii Dambe ay Ciidamada Harimacadku ka Tanaasuleen hawlgalkii ay Ladamacsanaayeen Guriga Sheekh Shariif oo hada ah Gudoomiyaha Xisbiga Himilo Qaran, Waxaanay Wararka Tibaaxeen in Gurigiisa ay Mudooyinkan Dambe ka Socdaan Dhaqdhaqaaqyo iyo Kulano isdaba joog ah oo ay inta ugu baddan u dhan yihiin Duqeydda iyo Waxgaradka Beelaha Hawiye ee Ku Sugan Magaalada Muqdisho, iyo Waliba Siyaasiyiinta iyaguna kasoo jeeda Beeshaasi Waxaana kulankii ugu Dambeeyay lagu Sheegay in Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed Kulan gaarka ah la Qaatey Imaamka Abgaal iyo Duqey kale kulankaas oo kusoo Beegay Wakhtigan Madaxweyne Farmaajo usoo Direy Ciidamada isaga gaarka u ah.

Geesta kale Shirarka iyo Kulanadda Siyaasiyiinta iyo odoyaasha Beelaha Hawiye ayaa indhawaale si Xoog ah uga Dhex Socda Magaalada Muqdisho, iyadoo arintani dareen badan kusoo Kordhisey Madaxweyne Farmaajo, laakiin uu Talaabadii u Horeysay ee Cabsi galinta aheyd ku Waajahay Guriga Sheekh Shariif oo kamid ah Bartilmaameedyada ugu Waaweyn ee Kulanka Beelaha Hawiye ka Socdaan Muqdisho. 

HargeisaPress News Desk —Hargeysa 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here