Wasiirka Amniga Somaliland oo Soo Saaray Go’aano Culus

0
1981

Hargeisa (Hargeisa Press) – Xukuumadda Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay Tallaabo ka qaadayso Cidda la arko iyagoo ku qayilaya Marfashyada ku yaalla Magaalooyinka dalka.

Xukuumadda ayaa sheegtay in laga bilaabo Maalinta Berri ah Magaalooyinka lagu soo daadin doono Ciidammo, si ay Tallaabo uga qaadaan Dadka Qaadka cuna ee sida koox-kooxda Marfashyada ugu qayila.

Sidaana waxa Maanta sheegay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland, Md. Maxamed Kaahin Axmed oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah ka hor-tagga Caabuqa Dunida faraha baas ku haya ee Coronavirus, kaasi oo ka dillaacay dalalka Itoobiya, Soomaaliya iyo Jabuuti oo xuduud la leh Somaliland.

Hoos ka daawo muuqaalka

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here