Fannaan Cabdiraxmaan Dheere oo Geeriyooday

0
1600

Boorama (Hargeisa Press) – Waxaa caawa magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ku geeriyooday alle ha u naxariistee fannaankii caanka ahaa ee Cabdiraxmaan Cismaan Maxabe (Cabdiraxmaan Dheere).

Alle ha u naxariistee Fannaan Cabdiraxmaan Dheere, ayaa ahaa fannaantii ugu magaca dheer Soomaalida.

Fannaan Cabdiraxmaan Dheere, ayaa alle ha u naxariistee waxaa uu Fanka Soomaalida magac ku yeeshay horaantii 1970-yadii illlaa dabayaaqadii 1980-yadii.

Fannaanka, ayaa waxa uu ka tirsanaa kooxdii ciidanka xooga Soomaaliya ee General Daa’uud.

Alle ha u naxariistee Fannaanka, ayaa waxaa xaas u ahayd Fannaanadii caanka ahayd ee Aamina Cabdilaahi Xirsi, waxaanu uu dhalay Fannaanada Hodan Abdirahman.

Waxaanay ahaayeen qoys faneed isaga, xaaskiisa Aamina Cabdillaahi iyo gabadha uu dhalay ee Hodon Cabdiraxmaan.

Fannaan Cabdiraxmaan Dheere oo ahaa fannaan cod macaan heesaha uu qaaday waxa ka mida

Nin ka tagay dhulkiisa

Adna ku waari maysid

Caloolaay naftaydaay

Suuldhabaale oo uu la qaaday Sahra Axmed Jaamac

Heesta Hargeysa

Boqorkii haweenkaay oo uu la qaaday Caasha Cige

Geelaygii curad cirkaa lagu maalay

Gocomada wada jira oo uu la qaaday Caasha Cige

iyo heeso kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here