Faah-faahin Ka Soo Baxaysa Dabkii Ka Kacay Suuqa Waaheen

0
1655

Hargeysa (Hargeisa Press)- Faah-faahino dheeraad ah, ayaa ka soo baxaysa Dabkii xoogganaa ee caawa ka kacay Suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa.

Dabkan oo suuqa Waaheen ka kacay abaaro sideedii fiidnimo ee caawa, ayaa si weyn ugu faafay qaybaha kala duwan ee uu Suuqu ka kooban yahay.

 

Intii dabkan uu socday waxaa ku gubtay goobo badan oo ganacsi iyadoo weli aan la xaqiijinin sababta dhabta ah ee dhalisay dabkaasi.

Khasaaraha uu dabkani sababay, ayaa waxaa ilaa iyo hada la xaqiijiyay dhaawaca 23 qof iyo dhimashada 1 qof iyo khasaaraha meherado badan oo tiradooda la xaqiijin Karin.

Waxaana sidoo kale dadkii ku dhaawacmay dabkaasi ka kacay Suuqa Waaheen xaaladooda lagula tacaalayo cisbitaalka guud ee magaalada Hargeisa.

Goor dambe, ayaa lagu guuleystay in dabkaasi la damiyo kadib markii Gaadiidka Dab damiska iyo dadaweyne aad u farabadan kuwaasi oo iska kaashaday sidii dabkaasi loo demin lahaa ay goobta yimaadeen.

Geesta kale, Ganacsatadii goobohoodii ganacsi dabkan uu ka kacay, ayaa la soo gudboonaatay walwal iyo murugo ku aadan khasaaraha ka soo gaadhay halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here