Duulimaadkii U Horeeyay Ee Xujeyda oo Maanta ka bilowday Madaarka Cigaal International Airport + SAWIRRO

0
809

Hargeysa, (HargeisaPress) —Xujaajtii ugu horeysay ee soo gudanaysay waajibaadka Xajka ee Sanadkan ayaa maanta u Duulay  Magaalada barkasan ee Maka, Wasiirudawlaha Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Axmed Nuur Faahiye iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradaasi ayaa Shirjaraaid oo ay si wad jir ah ugu qabteen Madaarka Cigaal International Airport ku sheegay in uu bilaabmay xiligii soo gudashada Xajku.

Duulimaadkii U Horeeyay Ee Xajka 3

Ugu horay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Cumar C/laahi Aadan oo faahfaahin ka bixiyey bilawga Gudashada Xajka ayaa yidhi:-  “waxaanu Maanta Shirkan Jaraaid u qabanay anaga oo sii sagootineyna dafcadii 1aad ee Xujaajta  ee Somaliland oo tagaaya Dhulkii barakaysnaa ee Maka, runtii aad iyo aad ayaanu u soo dhaweynay Madaar ahaan, sanadkan waxa uu kaga duwan yahay sanadihii xujaajtii hore, qurba joogii faraha badnaa ee yimi xiligan Xagaaga oo ah wakhtigii ay noqonayeen iyo xujaajtii ayaa isku beegmay, markaa Madaarka Cigaal aad iyo aad ayuu mashquul u yahay,”

Duulimaadkii U Horeeyay Ee Xajka 21

Agaasimahu isaga oo Hadalkiisa sii wata ayuu yidhi“Laakiin Dadweynaha dhoofaya waxaanu u sheegaynaa Madaarku in uu yahay mid qaadi kara Dadka oo ay u diyaar yihiin Shaqaale loo carbiyey oo gudan kara waajibaadkooda, soo dhaweyntii ay u baahnaayena runtii waanu samaynay, ilaa Laba Kun oo Xaaji ayaa tagi doona Sanadkan ilaa oo raaci doona ugu yaraan Shan iyo Toban Duulimaad, adeeg wanaagsana waanu u fidin doonaa hadii Alle idmo.”

Duulimaadkii U Horeeyay Ee Xajka 7

Wasiiru dawlaha Wasaarda Duulista Axmed Nuur Faahiye oo shirka Jaraaid ka hadlay, ayaa sheegay in ay u diyaariyeen adeegyadii ay u baahnaayen Xujaajtu isla marhaantaasana u duceeyay in Alle ka aqbalo, isaga oo ka hadlaaya arintaasna waxa uu yidhi:- “Maanta sida uu sheegay Agaasimuhu waxa inoo bilaabantay Dafcadii 1aad ee xujaajtii reer Somaliland ee soo gudanaysay  Xajka Sanadka 2016, maanta halkan waad argataan Madaarka Cigaal waxa uu u sameeyay wax waloo lagu raali galinaayo xujaajtaas, waxaa loo sameeyay meel ay fadhiistaan, meel ay ku nastaan, waxa loo sameeyay talaalkii oo ay naga saaciday wasaarada caafimaadka JSL isla markaana wax badan ayuu Madaarka iyo Wasaarada Duulista ee Somaliland u fudaydiyeen, Ilaahay waxaanu ka baryeynaa in xajkooda uu ka dhigo mid uu aqbalo, anagana uu miisaanka xasnaadka noogu daro.”

agasimaha

Duulimaadkii U Horeeyay Ee Xajka 5

Duulimaadkii U Horeeyay Ee Xajka 2

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here