Dukaamo Ku Yaalla Ceptown oo La Boobay

0
991

Ceptown (Hargeisa Press) – Wararka laga helayo xaafadda Delf ee magaalada Ceptown ee dalka Koonfur Afrika ayaa waxay sheegayaan in deegaankaasi uu ka bilowday boob, kadib markii dad cadhaysan ay cagta mariyeen illaa iyo Afar dukaan oo ay leeyihiin dad u dhashay waddanka Bangladesh.

Warku wuxuu intaasi ku darayaa in dad badan oo Soomaali ah oo halkaasi ku leh ganacsi xooggan ay bilaabeen, iney alaabtooda soo rartaan, iyagoo ka cabsi qaba inuu boobku saameeyo.

Arrintan ayaa ka dhalatay markii Booliska magaalada Ceptown uu bur buriyay dhismooyin sharci darro ah, oo ay sameysteen dadka deenaanka. Taasina waxay keentay in qaar kamid ah bulshada oo xanaaqsan ay cadhadooda kula dul dhaceen soo galootiga.

Dalka South Afrika, waxaa dhow jeer oo hore ka dhacay dhibaatooyin salka ku hayay isir naceyb, taas oo keentay in dad badan lagu dilo, xoola badan oo maalgashtayaal ajnabi Afrikaan iyo eeshiyaan u bandanna lagu qaatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here