Dugsiyada Sare Ee Nuuradiin Oo Kaalinta Koowaad Ka Galey Natiijadiii Imtixaanka Shahaadiga ah Ee Dalka + SAWIRRO

0
1299

Hargeysa, (HargeisaPress) —Ma aha markii u horeysay ee nooceeda ah oo Dugsiyada Sare ee Nuuradiin kaalinta koowaad ka galo Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada dalka talaabadan kusoo beegantey ku dhawaaqistii Wasaarada Waxbarashada Somaliland manta oo khamiis ah ku dhawaaqdey Natiijada Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare iyo Fasaklada Sideed ee dalka ayaa farxad galiyay kumanaan kamid ah Ardeyda Wax kabarta Dugsiyada Sare ee Nuuradiin-Schools oo kaalinta Koowaad ka galey Imtixaanka deyrtan ee dalka oo dhan.

nuuradi  5

Dugsiyada sare ee nuuradiin-schools oo ka mid ah dugsiyada ugu waxbarashada tayada fiican dalka ayaa waxay ka soo bilaabeen heerar kala duwan ka dib markii ay kor u qaadeen heerka aqooneed ee macalimiinta duruusta siiya ardayda waxkabarta dugisyada nuuradiin-schools.

nuuradi  6

Mar kale Dugsiyaddii Sare ee Nuuradiin sida Hillaac Bilig Yidhi, ma ka Mudheen Heegada? Maanta ayuun bay ahayd oo tariikhduna ku beegnayd 11kii bishii 8aad ee 2016ka, markii Xafiiska Qaranka u qaabilsan Imtixaanka Fasalada Afraad ee Dugsiyada Sare ku dhawaaqeen natiijada kama danbaysta ah, ee Imtixaankii Qaran ee laga qaaday Dugsiyada Sare ee dalka. Sida dedaal yidhi, ahna natiijo ka dhalatay naf-hurid iyo dhigaal niyadsami ahaa, waxa kaalinta koowaad ka mudhay ardaydii ka socotay Dugsiyada Sare ee Nuuradiin Inamada. Halka Dugsiga Sare ee Nuuradiin Habluhuna aanu yaraysan ka war keenka dedaalkii la galiyey ee maamul iyo macaliin ba aanay u yaraysan. Hadal haan ma buuxshoe, aan is waafajiyo warkayga iyo warqadda ka soo baxday Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka ee Natiijadii ardaydu ka keeneen.

nuuradi 4

Tirada ardayda u fadhiisatay Imtixaanaadka Qaranka Fasalada Afraad kana tirsanaa Dugsiga Sare ee Nuuradiin Innamada (Noradin Boys’ Secondary School), waxa ay dhammaayeen 238 Arday. Guud ahaanna Jamhuuriyadda oo dhan waxa u fadhiistay dhawr iyo toban kun oo arday.

 

Hillaac Bilig Yidhi, ma ka Mudheen Heegada? Maanta ayuun bay ahayd oo tariikhduna ku beegnayd 11kii bishii 8aad ee 2016ka, markii Xafiiska Qaranka u qaabilsan Imtixaanka Fasalada Afraad ee Dugsiyada Sare ku dhawaaqeen natiijada kama danbaysta ah, ee Imtixaankii Qaran ee laga qaaday Dugsiyada Sare ee dalka. Sida dedaal yidhi, ahna natiijo ka dhalatay naf-hurid iyo dhigaal niyadsami ahaa, waxa kaalinta koowaad ka mudhay ardaydii ka socotay Dugsiyada Sare ee Nuuradiin Inamada. Halka Dugsiga Sare ee Nuuradiin Habluhuna aanu yaraysan ka war keenka dedaalkii la galiyey ee maamul iyo macaliin ba aanay u yaraysan. Hadal haan ma buuxshoe, aan is waafajiyo warkayga iyo warqadda ka soo baxday Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka ee Natiijadii ardaydu ka keeneen.Tirada ardayda u fadhiisatay Imtixaanaadka Qaranka Fasalada Afraad kana tirsanaa Dugsiga Sare ee Nuuradiin Innamada (Noradin Boys’ Secondary School), waxa ay dhammaayeen 238 Arday. Guud ahaanna Jamhuuriyadda oo dhan waxa u fadhiistay dhawr iyo toban kun oo arday.

nuuradi 2

Haddaba Ardaygii ugu dhibcaha sarreeyey dalka kana mid ahaa ardaydaa ka socotay Dugsiga sare ee Nuuradiin waxa uu keenay dhibco dhan 748-dhibcood.

 

Waxa sidoo kale xusiddeeda leh, in ardaygaa kaalinta koowaad ka galay Imtixaanaadkii Qaran uu ka sarreeyey Ardayga ku soo xiga ugu yaraan 10 dhibcood, Halka taa beddelkeeda, natiijada tobanka arday ee ugu sareeya Imtixaanaadka Qaranku aanay kala sarrayn dhibco u badan inta uu ka sarreeyo Ardayga kaalinta koowaad  ardayga ku xiga ee galay kaalinta labaad.

 

Taa macnaheedu waxa ay tahay, sanka ayaa laysku hayaa xaga natiijooyinka sagaalka arday ee kale. Marka laga yimaado ardaygaa kaalinta koowaad galay, kana tirsan Ardaydii Dugsiga Nuuradiin, kana sarreeya ka ku soo xiga 10 dhibcood oo nadiif ah. Dugsiga sare ee Nuuradiin Innamada (Noradin Boy’s Secondary School) kuma koobna kaliya Kaalinta Koowaad ee Natiijada Imtixaanaadkii Qaran ee Fasalada Afraad ee dalka,.

 

Geesta Kale Tobanka Arday ee ugu sarreeyey Imtixaanka Shahaadiga ah Dugsiyada Nuuradiin-Schools waxa uu leeyahay kaalinta afraad. Haddii aan deymoodo guulo kale oo hor leh, ardayda ka tirsan Dugsiyada Nuuradiin Hablo iyo ka Innamaduba  natiijada Imtixaanka Fasalada Afraad ee Dalka.Dugsiga Sare ee Innamada (Noradin Boys’ Secondary School) tirada ardayda u fadhiisatay oo dhammayd 238 arday. Sidan hoos ku sheegan, ayey ahayd guulaha ay soo hooyeen:- Tobanka Arday ee  u sareeya, waxa ay galeen Kaalinta Koowaad, Kaalinta Afraad ee Tobankii Kaalmood ee ugu sarreeyey Natiijada Imtixaanaadkii Qaran ee Fasalada Afraad.

 

Dhawr iyo Toban Kun oo arday oo u fadhiistay Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee Fasalada Afraad ee Dalka oo dhan, waxa keenay Derajada ‘A Sare’ amma ‘A Smart’ tiro dhan 76 arday dalka oo dhan. Dugsiyada Nuuradiin, waxa ay ku leeyihiin  Ardeyda ku guuleystey ama keentay ‘A Smart’ 16 Ardey oo noqonaysa(boqolkiiba labaatan) 20% guud ahaan Ardeyda dalka.

 

Dhammaan Ardaydii u fadhiisatay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalada Afraad, ardayda Nuuradiin ka socotay ee keentay Derejada “A Togan” amma ” A” waa 94 Arday.- ”B Taban” amma ” B Negative” waxa Nuuradiin ka keenay 126.- Derejada ‘C’ na 4 arday.- Ma jirto wax arday ah oo keenay Derejada ‘D’.Gobolka Maroodi Jeex, haddii aynu eegno, Dugsiyadda Nuuradiin waxa ay ka muuqdeen martabad sarre oo u saamaxday in ay muddanyihiin mansabka loogu yeedho, oo ah ”Horyaalka Dugsiyadda Sare” Waana  Talaabo kutimid xaqiiqooyinka ku gedaaman Kaalmaha ay ardaydoodu ka soo muuqanayeen Imtixaanaadka Qaran ee Fasalada Afraad ee dalka oo dhan sannadihii ugu danbeeyey.

 

Marka dib loogu soogu noqdo Gobolka Maroodi Jeex, ee Caasimada Hargeysa Xarunta u tahey  Ardayda guud ahaan keentay ‘A Smart” waa 27 Ardey taas oo  Dugsiyada Nuuradiin ku leeyihiin 16 arday, oo noqonaya Tirada ugu badan Gobol ahaan inuu Dugsigaasi helay waana (boqolkiiba lixdan) noqonaysa 60% in ay yihiin.Dugsiga Sare ee Hablaha ee Nuuradiin “Noradin Girls’ High School” kama laalaadaan dhiggooda innamada ee isla Nuuradiin.Natiijooyin waalid, maamul iyo macalliinba lagu diirsaday ayay ka soo hooyeen Imtixaanaadkii Qaranka ee Fasalada Afraad.Isla Dugsigaa, tirada Hablaha u fadhiisatay oo dhammaa 261; Derejadda ‘A’ waxa keenay 83 hablood. Halka Derejada ‘B’ na ay keeneen 127 hablood. Derejada ‘C’ na 8 hablood. Manay jirin wax arday ah oo gashay Derejada ‘D’ hablo iyo inna toona Dugsiyada Sare ee Nuuradiin.Cid kastaa ha hadasho, hana sheegato malkada sare, xaqiiqdu waa middaa; ahaanshiiyaha Dugsiyada Nuuradiin iyo Halgankooda naf-huridda ah ee da’yarta dalka ku garab taaganyihiin si ay bulshada ugu soo kordhiyaan arday ka dhisan aqoon maadi ah, mid diini ah iyodhaqanka suuban ee aynu ka rabno ardaydeenu in ay ku sifoobaan. Aqoon u saamaxda arday wal oo Nuuradiin ka baxay Dugsiyadiisa sare inuu qaadan karo Takhasus wal oo ay Jaamacadaha Maxaliga ah iyo kuwa Dibaduba ay bixiyaan – Ardayda dibadda u waxbarasho doonta.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here