Hargeysa, (HargeisaPress) —Shirkada Adeega Internetka ee SO!sogasho Powered By Somcable ayaa shaacisay qiimo dhimis balaadhan oo ay ku samaysay adeega casriga ah 4G.
Shirkada ayaa macaamiisheeda ugu bushaaraysay inay ka faa,iidaystaan qiimo dhimistaasi, waxaanay shirkadu baahisay in guud ahaan xarumaha shirkada laga helo doono adeega 4G iyo qiimo dhimista lagu sameeyey.
Madaxa suuqgeynta iyo xidhiidhka dadweynaha ee shirkada SO!sogasho Xamse Gaaxnuug ayaa qiimo dhimista lagu sameeyey adeega 4G ka sheegay munaasibad balaadhan oo kulmisay qurba joogta dalka iyo madaxda dawlada oo ka dhacday magaalada Hargeysa, waxaanu bulshada ugu bushaareeyey qiimo dhimista ay shirkadu ku samaysay adeegaasi, waxaanu sidoo kale faah faahin dheeraad ah ka bixiyey muhiimada uu bulshada somaliland u leeyahay xadhiga Fiber Optic-ga kaas oo uu tilmaamay in lagaga baxay baahida dhinaca adeega Internetka ee shacabka Somaliland haysay, isaga oo bulshadana ku war geliyey inay xarumaha shirkada ka heli karaan dhamaanba adeegyada Internetka ee ay u baahan yihiin.
