Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar Oo Ka Hadlay Saamaynta Bixitaanka Midawga Yurub, Madaxweynahana Talooyin U Jeediyay

0
1208
Dr Maxamed Cabdi Cumar

Hargeysa, (HargeisaPress) โ€” Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda iyo xidhiidhka caalamig ah Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa goโ€™aanka ay Midowga Yurub ku xidhayaan xafiiskooda Hargeysa ku tilmaamay mid ay hoos ugu dhigayaan ahmiyadii ay siin jireen Somaliland, waxaanu ku macneeyay talaabo u muuqata inay horudhac u tahay qorsheyaal cusub oo uu Midowga Yurub ku waajahayo Somaliland.

 

Dr. Maxamed Cabdillaahi, oo isagoo jooga magaalada Nayroobi ee wadanka Kenya waraysi siiyay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu sheegay in xafiiska Midowga Yurub uu hadda xaruntiisa ka dhiganayo magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya halkaas oo ay doonayaan inay Somaliland-na ka maamulaan.

Dr. Cumar, wuxuu Madaxweyne Siilaanyo kula taliyay saddex qodob oo uu ku waajihi karo siyaasadda dibadda Somaliland. Waraysigaas oo uu Maxamed Cabdillaahi sidoo kale xisbiyada qaranka ugu baaqay inay arrinta Midowga Yurub ku waajahaan midnimo, wuxuu u dhacay sidan:

Sideed u aragtaa siyaasadda cusub ee ay Midowga Yurub kaga guurayaan xafiiskooda Hargeysa oo ay kaga tagayaan laba qof oo shaqaale ah oo iyagana la gaynayo xafiis kale?

Waxaan u arkaa go’aanka Midawga Yurub ee la xidhiidha xafiiskoodiiย  Somaliland mid hoosย  u dhigaya ( down grading) muhimaddiiย  ay siin jireen Somaliland, waxaana muuqataย  in talaabadani ay horudhac u tahay qorshayaalย  cusub oo ay leeyihiin oo ku wajahanย  Somaliland.

Midawga yurub wuxuu kaย  mid yahay deeq bixiyayaasha ugu cimriga dheerย  ee Somaliland la soo shaqeeyay, xafiis muuqdana ku lahaa. Maqnaanshiisuย  wuxuu muujinayaaย  isbedel siyaasadeed oo ka socda xagga Midawga Yurub.

Maxaad filaysaa inay siyaasadan cusub ee Midowga Yurub keentay, maxayse saamayn ku yeelanaysaa Somaliland?

Xafiska Midawga Yurub ee qaabilsan Somaliya wuxuu hadda xaruntiisa ka dhiganayaa Mogadisha, waxaana muuqato in hawlihiisa Somaliland halkaa lagu wado in laga maamulo.

Miyaad aaminsantahay inay dhaqaale xumo ku qasabtay goโ€™aankan midowga Yurub mise sida ay dad badani aaminsayihiin waa siyaasad ka dhalatay muddo kordhinta guurtida oo ay beesha caalamka ee Somaliland taageertaa ka soo horjeedsatay?

Ma qabo in ay dhaqaale yaraani kaliftayย  go’aankan ay qaateen, waayo lacagย  badan ooย  shaqaale dhimid iyo xafiis xidhidย  ugu badbaadaysaaย  ma jirto. Go’aankii Guurtidu ee khilaafsanaa heshiiskii saddexda xisbina inkastoo uu ka cadhaysiisay haddana ma keeni karo isbedelkan intaa le’eg, waayo beesha caalamkuย  intooda badan way ka boodeen arrinka Guurtida. Go’aankan Midawga Yurubย  wuxuu ka turjumaysaa qorsheย  iyo isbedel siyaasadeed oo cusub oo ku waajahanย  Somaliland.

Waxaan u soo jeedinayaa xukuumadda iyo xisbiyadaย  qaranku inay ku baraarugaan isbedeladanย  oo aan la siyaasadayn lagana wada hawlgalo waayo waxay yeelan karaan saamaynย  siyaasadeedย  oo baahsan.

Maxaad u soo jeedinaysaa Madaxweyne Siilaanyo oo dhinaca siyaasadda dibadda ah maadaama oo aad wakhti dheer ahayd wasiirka khaarajiga.?

Dhinac siyaasadda Dibadda waxaan Madaxwaynaha u soo jeedinayaa saddex arrimood oo muhiim ah. Kaw, waa in fariimaha xukuumadda ee ku waajahanย  beeshaย  caalamkuย  ay ka soo baxaan meel kaliyaย  (Wasaaradda Khaarijiga) iyagoo urursan, kana turjumaan mawqif kaliya. Hadda waxaa soo gaadha diblomaasiyiinta caalamka fikrado kale duwan oo iskhilaafsan oo aan soo marin wasaradda khaarijiga, kana turjumayn Madaxwaynaha siyaasaddiisa, arrintaasi may dhici jirin barigii hore, waxaan ku talinayaaย  in la joojiyo.

Labo,ย  in xoogga la saaro Kiiniyaย  oo ah halka beesha caalamku ka ma’amushoย  Somaliland, xafiiskii Somalilandna dib loo sooย  celiyo. Safiirka cusub wuxuu bilaabay hindisayaal fiican oo u baahan in la taageero oo la dhiso.

Saddex,ย  in Xisbulย  xaakimku door muuqda oo kaabaya xukuumadda ka qaato wada shaqayn ta beeshaย  caalamka.

 

 

HargeisaPress News Desk โ€” Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here