Dowladda Sacuudiga oo Xidhaysa Sideed Iskuul oo Turkish Ah

0
791

Riyadh (Hargeisa Press) – Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa lagu wadaa inay xidho sideed iskuul oo Turkish ah, marka uu dhammaado sanad dugsiyeedkan, waxaa sidaas werisay wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu, go’aankan oo la filayo inuu ka cadhaysiiyo Ankara oo isku dayeysa inay hagaajiso xidhiidhka Riyadh.

Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa Wasaaradda Waxbarashada Turkiga ku wargeliyey in sideedda iskuul ay qasab tahay in la xidho marka uu dhammaado sanad dugsiyeedkan, sida ay sheegtay Anadolu.

Wakaaladda ayaa intaas ku dartay in sideedda iskuul ay dhigtaan arday gaadheysa 2,256.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Turkiga oo ay arrintan wax ka weydiisay wakaaladda wararka AFP, ma bixin wax jawaab ah.

Bishii tagtay, Wasaaradda Waxbarashada Turkiga ayaa sheegtay inay dalka Sacuudiga ka jiraan 26 Iskuul oo Turkish ah.

Xidhitaanka sideed ka mid ah iskuullada ayaa sare u sii qaadi karta xiisadda labada dal.

Xiiihdhka labada dal ayaa sii xumaanayay sanadihii tegay, gaar ahaan kadib dilkii 2018 qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul loogu gaystay Jamaal Khaashuqji oo ahaa suxufi Sacuudiyaan ah oo dhaliili jiray boqortooyada.

Bilihii dhowaa, ayaa si kastaba, Turkiga waxay yaboohday inay hagaajiso xidhiidhka kala dhaxeeya dalalka Bariga Dhexe, oo ay ka mid yihiin Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta iyo Masar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here