Itoobiyaanka Ku Nool Somaliland oo Gaadhi Ambalaas Ah Ugu Deeqay Ciidanka Difaaca Itoobiya

0
2007

Addis Ababa (Hargeisa Press) – Dadka Itoobiyaanka ah ee ku nool Somaliland ayaa maanta ugu deeqay gaadhi Ambalaas ah Ciidanka Difaaca Qaranka ee Itoobiya ee ku howlanaa fulinta talaabooyinka sharci ee gobolka Tigreega.

Sida laga soo xigtay Wasaaradda Difaaca Qaranka ee Itoobiya, waxa goobjoog ahaa munaasibada deeqda gaadhi ah hoggaamiyeyaasha Milatariga ee Wasaaradda Difaaca ee Itoobiya iyo Wakiilka Itoobiya ee Somaliland.

Gaadhigan ay dadka Itoobiyaanka ah ee ku nool Somaliland ugu deeqeen Ciidanka Difaaca Itoobiya, ayaa qiimahiisu yahay 2.5 milyan oo Birr.

Waxaana deeqdan gaadhiga Ambalaaska ah Wasiir ku xigeenka Gaashandhiga Itoobiya ku wareejiyay Wakiilka Itoobiya ee Somaliland Amb. Siciid Maxamuud.

Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga ee Itoobiya, Martha Lewji, ayaa ku bogaadisay bulshada taageeradooda iyo sida ay taakuleynta ula garab taagan yihiin Ciidamadda Dagaalka ku jira TPLF.

Sidoo kale, wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga Itoobiya ayaa sheegay in Wakiilka  Itoobiya u fadhiya Somaliland uu dib u xusuustay ka-qaybgalka firfircoon ee bulshada ee arrimaha kala duwan ee qaranka Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here