Diyaarad Ka Timid Imaaraadka oo Laga Celiyey Garoonka Diyaaradaha Hargeysa

0
2860

Hargeisa (Hargeisa Press)- Diyaarad rakaab ah oo ka timid dalka Isu Taga Imaaraadka Carabta ayaa lagu soo warramayaa in saaka loo diiday inay ka degto garoonka diyaaradaha Cigaal International ee magaalada Hargeysa.

Wararka ayaa sheegaya in diyaarada oo ay laheyd shirkadda Flydubia ay dib ugu laabatay dalka Imaaraadka Carabta, iyadoo aan dajin rakaabkii ay siday.

Ma cadda sababta, balse waxaa la xidhiidhinayaa cabsida laga qabo faafitaanka cudurka Coronavirus oo haatan fara ba’an ku haya wadamo badan oo ku yaalla caalamka.

Arrintan ayaa sidoo kale ku soo beegmaysa, iyadoo maanta uu dhaqan galay go’aankii ay Xukuumadda Somaliland ku hakisay dhamaan duulimaadyada caalamiga ah.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in illaa iyo hadda ayna wax diyaarad ah ka soo dagin garoonka diyaaradaha Cigaal ee Hargeysa, kadib go’aankii xukuumada Somaliland.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah qorshaha ay xukuumada Somaliland uga hortagayso cudurkan, iyadoo dhammaan albaabada isugu laabtay goobaha waxbarashada.

 

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here