DIIDMADA IYO DARAASADA KEEBAA HOREEYA ….Hor iyo Dabo Diid Ma Maqli Jirtay Ilayn Waa Tan Oo…….!

0
1155

Sida aynu wada ognahay Xisbiga Wadani wuxuu hore u sheegay inuu diidan yahay kana soo horjeedo arinta Saldhiga Military ee Magaalada Berbera. Inkasta oo Golayaashii Qaranku ansixiyey iyadoo uu qayb ka yahay Gud Golaha Wakiilada iyo Xildhibaanadiisa oo badankoodii gacanta u taagey meelmarinta iyo ansixinta Dalabkii M.weynahu horkeenay Labada Golle.

Hadaba waxaan dood jaban iyo damiir xumo u arkaa in wixii ay hore u diideen, maanta yidhaahdaan Cilmi Baadhis ayaanu ku samaynaynaa? Waxa is waydiinleh diidmadii hore maxay u cuskadeen? Jawabta idinka ayaan idiin dhaafay. Diidmada iyo Daraasadu waa laba shay oon is qaban karin, dhinaca kale Xisbi mucaarad ma samayn karaa daraasada lagu kalsoonaan karo, mudo intee le;eg ayaa lagu diyaariyaa cilmi baadhistan oo kale…! Kulahaa Buug ayaanu ka qornay Dhibaatada Saldhiga; Bal muxuu Abaaraha soo noqnoqanaya iyo sida looga bixi karo wax uga qoriwaayay haday inuun wax damqasho ahi ku hadhay; Tani waxay markhaati ka tahay Siyaasada liidata ee Xisbiga Wadani oo mucaaridnimada u fahmay Qaran dumin iyo gacansiinta Cadawga Somaliland.

Waxa muuqata in Xisbiga Wadani uu ka lumay jarahii siyaasadeed iyo doorkii mucaaridnimo ee laga rabay isagoo marar badan ay kasoo baxeen hadalo mugdi iyo madmadow galinaya mawqifka uu ka taagan yahay jiritaanka iyo qaranimada, Kadib markii uu la saftay cadawga Somaliland isku mawqifna ay ka noqdeen; mudaharaadkii London ee Maamulka Xamar kaga soo horjeedeen Mashaariicda; Horumarineed ee ka socda Somaliland. Waxay bulshadu is waydiinaysaa Xisbiga Wadani oo mar walba markhaati u qabasanaya cadawga Somaliland; Mase tahay mid uu cod kaga helidoono shacabka Somaliland? Waxaan kusoo ururinayaa Wadani why is dhex fadhiyaaye aynu ka fiirsano.

Wabilaahi Tawfiiq

Mohamed Gacayte

Hargeysa/ Somaliland

Gacayte09@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here