Dibuhabayan balaadhan oo lagu sameeyay qaybta korontada ee Madaarka caalamiga ah ee Cigaal + SAWIRRO

0
1089

Hargeysa, (HargeisaPress) โ€” Qaybaha Dabka ee kala duwan, ee Madaarka Egal International Airport ayaa dib u casriyan lagu sameeyay, hawshan oo in mudo ah socotay ayaa dhawaan la soo gunanaday qaybteedii hore.

Madaxa qaybta Dabka (Electrical Engineer) ee Madaarka Xamse Macalin Aadan, ayaa ka warbixiyey sidii hawshaasi loo qabtay, waxaanuu yidhi:-

Qaybaha Dabka ee kala duwan 4

 

 

โ€œWaxaanu dibuhabayan balaadhan ku samayn korontada Madaarka Cigaal, dib u habayntaas oo aanu Diirtada ku saraarayna dhanka tayada, bilicda, โ€œsafetyโ€ iyo qiimaha oo aan ku dadaalayay inuu Madaarku helo kornto jaban, Hadaba anoo soo koobaaya meelaha la taban karo ee aanu wax ka qabanay waxaa kamida:-โ€

” Interconnection point (halka ay ku kulmaan korontada KAAH, Marawaxadaha dabka dhaliy, Generator ka iyo Korontada Madaarka tegaysa), Halkan waxaanu ku samaynay panel cusub oo aan odhan karo wuxuu lajaan qaadayaa casriga,waana kuwa laga isticmaalo wadamada horumaray.”

“Dhamaan waxaanu saxnay cabirkii lines ka qaada dabka iyadoo aanu ku salaynay calculation iyo formulas dhaba.”

Waxaanu ka dhisnay qaybta laga soo dego ee madaarka dushiisa qol aanu ku qaybinaynoo korontada madaarka si heerka caalamiga ee korontada waafaqsan.

“Waxaanu miisaamid iyo cabir saxa siinay dhamaanโ€ phases โ€œ kii madaarka, si aanu uuga hortagno I dheeli ku yimaado.:

Qaybaha Dabka ee kala duwan 1

 

” Waxaanu kusoo kordhinay qaybta loo yaqaan โ€œEarthlingโ€ ama danab celiyaha oo ay hab laga hortago wixii qaldama iyo danabka.”

Engineer Xamse isaga oo ka hadlaaya, ladhaka habeenkii loo sameeyay Runway-GA waxa uu yidhi:-

“run way lighting ka oo suura geliyay in uu madaarku shaqayn karo 24 saacadood, โ€œrunway lighting systemโ€ kan oo ku shaqaynaaya solar ama cadceeda.”

sidoo kale xamse isaga oo ka hadlaaya dhinacyadii gacanta ka gaystay hawshan waxa uu yidhi:-

โ€œWaxaa naga caawiyay oo runtii shaaqo fiicana nalaqabtay qaybahan hoos ku qoran:Hayโ€™adahan (Stakeholders) oo runtii midwaliba dhankiisa shaqo fiican ka qabtay haloo kalaba badnaadeeโ€

DEVELOPMENT ALTERNATIVES, INC DAI-USAID
SGURR ENERGY
GOLIS SOLAR ENERGY COMPANY
Wasarada Tamarta iyo Macadanta Somaliland
General Electric Company
ICAO

Gababadii Engineer Xamse ayaa sheegay in ay rajaynayaan Mustaqbalka:-

โ€œWaxaa mustaqbalka nooqorshaysan inaanu meelkasta oo ku haboon ka taagno calamadaha muujinaysa korontada, taas oo runtii guud ahaanba wadankeena ka maqan, sida sawirka hoos yaalโ€

โ€œSidoo kale waxaa noo qorshaysan in goobaha mihiimka ah aanu dhigno( fire extinguisher ) ku haboon. dabdamis ka gacanta ahโ€

Engineer Xamse
Engineer Xamse

 

 

โ€œDhanka kale waxa qorsha dhow noogu jira inaanu helo qalabka shaqada korontada oo dhamaystiran.โ€
โ€œUgu danbaytnii waaxaan ku rajo weynahay in aanu gaadhno mustaqbalka heer aanu waxwalba ka dhigno e-power ama aanu ku hagi karo computer oo anoo ku jira xafiiskayga aan ogaan karo wixii cilada iyo halka ay ka jirtoba.โ€

 

 

HargeisaPress News Desk โ€” Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here