DHIBKA ABAARTA: Tabaale U Baahan in Lagula Tacaalo Maamul Adag!

0
1099

Hal-qabsi:

Qabiil iyo Jeeroo la Naco Qaadka lagu waashey,

Qasdi Keliya Jeeroo Yeelato oo Qowlka ku Heshiiso,

Qabyo Weeye Soomaalidaay Qiiradaadaniye….

 

Tixo ka mid Gabeyadii Gabyaa C/llaahi Suldaan Max’ed (Timo-cade).

 

Tabaalaha Abaarta iyo masiibooyinka la xidhiidha ayaa ah kuwo u baahan in lagula tacaalo FARSAMO MAAMUL OO SI WEYN LA ISUGU DUBARIDEY isla markaa la joogteeyo fulintiisa si maalinle, toddobaadle, bile iyo sannad ah intaba! Waa mid si weyn aduunyadu isaga mid tahey maareynta iyo la tacaalida duruuftan iyo inta badan oo kale oo masiibooyin la mid ka ah sida fatahaada daadadka, cudurada faafa, dhul-gariirka IWM-Alle inaguma keeno eh-. Dhamaan masiibooyinkan waxay ka siman yihiin in saameyntooda ugu weyn ee taban ay tahey baro-kac, dhimasho iyo jahawareer ku habsada hab-noleleedka dadka ay saameeyaan.

 

Sidaa oo tahey, ayaa dunidu ku kala duwan tahey sida ula tacaasho, u maareyso, isla markaa uga gargaarto dadkooda ay ku habsadaan. Waxa aynu maqalnaa in dunida saddexaad kuwa lagu tiriyo oo ka mid nahey aaney awood dhaqaale iyo mid maamul u wada laheyn maareynta duruufakan! Waaba qeylo-dhaan dunida kale u dirsadaan waxa ugu horeeya oo ka soo yeedhaa. Soomaalidu waa ku kala duwan tahey sida howshatan u waajahdo. Waayo, deegaanada ay ku kala nool yihiin iyo maamulada ay ka kala tirsan yihiin oo kala duwan ayaa ah sababta ugu weyn kala duwanaanshahooda.

 

Haddaba, Somaliland oo inta rubuc qarni aheyd reysatey kana soo kabatey raad-reebka burburkii loo geystey, waxaa inoo suurto-galey dhismaha qaran shaqeynaya balse u baahan xoojin, adkeyn, isla jaan-qaad, iyo joogteyn rasmi ah oo lagu meel mariyo fulinta adeegyada qaran oo arrintan aynu ka hadleynaa ka mid tahey? Waxaa jira hay’ado dhowr ah oo si kala duwan ugu xil saaran waajibaadka la tacaalka abaarta iyo wixii la mid ah. Hay’adahan waa kuwo bah-wadaag ah isla markaa ay cadahey sida u kala leeyihiin waajibaadka. Waxaa ugu horeeya hay’ada NERAD oo u xil-saaran masiibooyinka iyada oo tiro wasaarada ah la wadaagaan waajibaadka. NERAD waxay ay soo martey jid u saamaxey in ay habo-qaado iyada oo heshay fursado dhowr ah una suurto-galiyey meel markeeda. Sidaas oo tahey, baa haddana si baal-furan ah howluhu u socdaan?

 

Xaqiiqatan, waa jiraan dhibaatooyin dhaqaale oo inala deris ah, cuno qabateyn dadban oo la inoo guddoonsadey, geediga dheer oo dowladnimadeena soo martey, iyo in badan oo dufuufo kale ah oo inagu gadaaman kuwaas oo xakameynaya awood dhameystiran oo dowladnimadeenu ku meel gaadho. Waxaase u baahan in aynu is tusno, tilmaan iyo talo ka yeelano sida murugsan oo maamul ahaan la caadeystey in si kooxeysan la isugu xoomo marka arrimo culus la meel marinaayo! Waa in maamulkeenu hufnaado, lahaado awood fulineed oo adag, isla markaa la muuneeyo heybada dowladnimo oo Illaahey inoogu deeqey.

 

Runtu waxaa weeye in gurmadka abaarta ee dalkeena aad ku diirsaneyso misna aad si weyn uga damqaneyso sida aynu ula tacaalno? Farxada iyo naxdinta isu lamaan waxaa sabab u ah sida ummad ahaan u waajahno maamulka gaar ahaan midkan lagula tacaalayo tabaalaha ABAARTA.

 

Bal aynu waxooga fiirsano jaantuska hoos ka muuqda oo muujinaya sida farsamo ahaan dunidu u taqaan la tacaalida tabaalaha abaarta. Waa farsamo aynu naqaan oo qabno aqoon iyo tababarka la gudboon balse maxaa aynu u fulin weyney?

jjk

Jaantusku waxaa uu muujinayaa AFAR MARXALADOOD OO MIDBA KAN KALE KU XIDHIIDHSAN TAHEY IYO WAAYAHA KU GEDAAMAN MID WALBA. Waa hab farsamo dheelitiran oo sahlaya in laga midho dhaliyo tabaalaha iyo sida loola tacaalayo. Waa xoojinta awooda farsamo dhinac walba, diyaar-garowga duruufta ka hor, gar-gaarka iyo ka jawaabta tabaalaha, soo kabashada oo u saamaxeysa dadweynaha tabaaloobey in nolosha caadiga aheyd dib-u-haabtaan oo intuba ah talaabooyin midba kan xiga ku xidhiidhsan yahey. Waa wareeg aan kala go’ laheyn oo maskax, muruq iyo awood fulineed u baahan!

 

Sidaa darteed, waxaa haboon in aynaan fowdo iyo jahawareer ku ridin nidaamkeena dowladnimo oo curdin ah una baahan adkeyn, meeleyn rasmi ah, meel marin dhab ah! Waa mid lagu farxo ummad ahaan sida weyn oo looga jawaabey waxaney muujineysaa in aynu is bixin karno qaran ahaan balse yaan laga talaabsan farsamda maamul oo ku haboon oo ah mid aynu leenahey aqoonteeda, khibradeeda, iyo dhismaha hay’ado u xilsaaran waajibaadka!

 

Waxaan kaga baxayaa Alle bariga Rabi weydiisaneyno Raxmad iyo in uu Abaarta inaga jabiyo si deg deg ah……Amiin…..Amiin…..Amiin…

 

Allaa mahad leh,

Qalinka:

Mustafe Suleymaan Cilmi,

Hargeysa, Somaliland.

 

Tel: 00 252 (0)63 4137470

Email:   mustafe72@gmail.com               

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here