Shil Gaadhi Oo Ka Dhacay Jidka Isku Xidha Magaalooyinka Gabiley Iyo Borama Iyo Khasaare Dhimasho Iyo Dhaawacba Leh Oo Ka Dhashay + SAWIRRO

0
967

Gabiley, (HargeisaPress) —Wararka naga soo gaadhaya magaalada Gabiley ee xarunta gobolka gabiley ayaa sheegaya in shil gaadhi oo aad u naxdin badan uu ka dhacay jidka way nee isku xidha magaalooyinka Gabiley iyo Borama.

 

Shilkan ayaa ahaa isku dhaca laba gaadhi,waxaana shilkani uu ka dhacay sida la sheegay meel u dhaw magaalada kala Baydh ee gobolka Gabiley.

 

Labadan gaadhi ee isku dhacay ayaa kala ahaa gawaadhida loo yaqaano NOAH iyo Marki,kuwaasi oo ahaa gawaadhida qaadka qaadda.

shil bab

Waxaaan shilkan  ka dhashay dhimashada laba ruux,kuwaasi oo ahaa darawaliintii kala waday labadan gaadhi ee isku dhacay.

 

Labadan marxuun ee shilka ku geeriyooday ayaa magacyadoodu kala ahaayeen Mustafe Muxumed Nuur (gees) iyo Cabdiraxiim Cagaf.

shil ba

Marxuum Mustafe Muxumed Nuur (gees)  ayaa maanta si balaadhan loogu aasay magaalada Gabiley ee xarunta gobolka gabiley.halka marxuunka kalena loo soo qaday magaalada Hargeysa oo lagu aasay.

shil

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here