Dhaqdhaqaaqii Dekada Berbera oo Gabi Ahaanba Istaagay, Ganacsatadii Oo Diiday In Ay Allaabtooda La Baxaan Dekada iyo Xukuumada Oo Dhegaha Ka Furaysatay

0
1121

Berbera, (HargeisaPress) —Todobaadkii Labaad ayaa lagu soo waramayaa in uu gebi ahaanba taagan yahay  Dhaqdhaqaaqii dekada magaalada Berbera, kaddib markii ganacsatada wax kala soo degi jiray dekadu ay joojiyeen in ay allaabtooda kala baxaan dekadda, iyaga oo ka cabanaya lacag xad dhaaf ah oo Maareeyaha dekada Berbera, Eng Cali Xoor Xoor, uu ku kordhiyay lacagihii rogista iyo rarista (Handling), ee laga qaadi jiray Kontaynarada.

 

Maareeyaha dekadda Berbera Eng Cali Xoor Xoor, ayaa horaantii sannadkan cusub kordhiyay 70% lacagta  laga qaado rogista iyo rarista Kontaynarada,(Handling), iyada oo lacagahaa  lagu kordhiyay Kontaynarada waaweyni ay dhan tahay Saddex Milyan Iyo Shan Boqol Oo Kun oo Shillinka Somaliland, ah, halka Kontaynarada yar yarna lagu kordhiyay Hal Milyan iyo Todoba Boqol oo Kun Oo Shillinka Somaliland ah, taas oo ay si xoog leh uga hor yimaadeen ganacsatadu iyaga oo ku doofaya in aanay dhaqaale ahaan qaadi karayn bixinta cashuurtan uu Maareeyuhu kordhiyay, waxaanay arrintani keentay in ay ganacsatadu gebi ahaanba joojiyaan allaabtoodii ay kala baxayeen Dekada, taas oo dhalisay in hawlihii dhaqdhaqaaqa dekada uu hakad ku yimaado oo uu istaago todobadii maalmood ee u danbeeyay, sidaana waxa Shabakadda wararka ee Hadhwanaagnews, u xaqiijiyay qaar ka mid ah ganacsatada oo ku kala sugan Berbera, Iyo Hargeysa.

 

 

Warku waxa kale oo uu intaa ku daray in Ganacsatadan ka biyo diiday lacagahan la kordhiyay, ay intoodii badnayd ay hada ku sugayn yihiin caasimada Somaliland, ee Hargeysa, waxaana lagu wadaa in ay maalinta beri ah cabashadooda u gudbiyaan Madaxweynaha Somaliland, iyo Wasiirka Maaliyada sida ay wax looga qabto cabashadoodan.

 

Kulamo hore oo ay Ganacsatadu la yeesheen Maareeyaha Dekada iyaga oo kala hadlay sida aanay u qaadi karayn lacgatan  ee uu ku kordhiyay, ayaa la isku mari waayay kaddib markii uu Maareeyuhu ku adkaystay in aanu wax tanaasul ah ka samayn doonin cashuurtan uu kordhiyay, taas oo si weyn uga cadhaysiiisay ganacsatada, waxaanay ganacsatdu sheegeen in cashuurtan lagu kordhiyay 70%.

 

Xukuumadda Somaliland, ayaa gebi ahaanba dhegaha ka furaysatay wax ka qabashada arrintan cakiran, ee saamaynta xun ku yeelatay dhaqaalihii iyo dakhligii dekada, iyo saamaynta xun ee ay ku yeelatay korodhka miciishada iyo sicir bararka oo gaadhay halkii u saraysay abid, taas oo hadii aanay xukuumadu si dhakhso ah wax uga qaban ay ka dhalan karto cawaaqib xumo dhaqaale iyo mid nololeed oo aanay mahadin dawlada iyo shacabkuba.

 

 

Maaha markii u horaysay ee la kordhiyo lacagtan adeega dekada ee rogista iyo rarista (Handling), eekontaynarada, iyada badhtamihii sannadkii dhamaaday lagu kordhiyay cashuurta laga qaado kontaynarka weyn ee faaruqa ah lacag gaadhaysa Konton Dollar, halka Kontaynarka yarna lagu kordhiyay Soddon Dollar.

 

Mar aanu isku daynay in aanu la xidhiidhno Maareeyaha dekada Berbera, si aanu wax uga weydiino arrimahan, ayaan noo suurtagelin in aanu helno.

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here