Dhaqaalaha Shiinaha Oo Gaadhay Meeshii U Hoosaysay

0
841

Beijing —Dhaqaalaha shiinaha ayaa waxaa ku yimid hoos u dhacwayn sanadkii 2015kii wuxuuna koray 6.9%,Waaana  heerkii u hooseeyay ee uu gaadhay dhaqaalaha shiinahu,ilaa sanadkii 1990kii.

 

Dhaqaalaha shiinaha oo ah dhaqaalaha labaad ee ugu wayn aduunka,ayaa si fiican u kobcayay,waxaana loo arkayay kobiciisaas inuu aad u kala wado dhaqaalaha aduunka,balse hoos u dhacan ku yimid dhaqaalaha shiinaha ayaa walaac wayn ku ridaya maalgashadayaasha aduunka .

 

 

Dhaqaalaha shiinaha ayaa wuxuu koray sanadkii hore ee 2014kii 7.3%

 

Hoos u dhacan ayaa ah kii ugu hooseeyay ee uu gaadho dhaqaalaha shiinuhu mudo dhan 25 sano Dawlada shiinaha ayaa qabsatay koror dhaqaale oo gaadhaya 7% sanad kasta inuu koro dhaqaaleheedu.

beijing_market_vegetable_512x288_reuters_nocredit

Dadka dhaqaalaha indha in dheeya ayaa sheegaya in dawlada shiinuhu qarinayso wax badan,kororka dhaqaaluhuna intaa ka hooseeyo,balse dawlada shiinuhu way beenisay arinkaa.

 

Khubarada dhaqaaluhu waxay sheegayaan in dhaqaale kasta oo uu ka hooseeyo kororkiisu 6.8% uu keeni karo jahawareer dhaqaale oo caalamiya.

Madaxda shiinaha ayaa sheegaya in la aqbali karo dhaqaalaha gaabiska ku socda,inta la abuurayo shaqooyin cusub.Kubarada dhaqaalaha ayaa saadaalinaya in dhaqaalaha shiinuhu uu hoos u sii dhici doono sandka soo socda waxaana la rajaynayaa inuu gaadho 6.5%.

 

Dhinaca kale madaxwaynaha shiinaha ayaa sheegay mar uu shalay hadlay in tiirarka dhaqaalaha ee xilga fog ee dalkiisu yahay qaar awood badan,in kasta oo ay jiraan culays badan,iyo dhibaatooyin ka taagan suuqyada caalamka.

 

Saamayn intee le eg ayuu ku yeelan karaa dhaqaalha aduunka?

 

Markaa eegno saamaynta uu ku yeelan karo hoos u dhacan ku yimid dhaqaalaha shiinaha,aduunka kale,jawaabtu waxaa weeyi saamayn xun ayuu ku yeelan doonaa haduu sidaa ku sii socdo,waayo waa dhaqaalaha labaad ee aduunka ugu wayn,maalgashataduna kalsooni wayn ku qabto,shaki kuma jiro inuu keeni karo jahawareer badan.

 

Dadka ku xeelka dheer arrimaha dhaqaalaha, ayaa dhanka kale waxa ay sheegayaan in kobackasta ee ka hooseeya boqolkiiba 6.8 ay u badan tahay in ay kaga sii darto xaaladda.

 

Hoos u dhaca dhawaantan laga dareemay suuqyada saamiyada ee Shiinaha ayaa sidoo kale waxa ay argagax ku abuureen suuqyada caalamka, walaacaasi oo ku aaddan xoogga dhaqaalaha Shiinaha oo ah dhaqaajiyaha ugu muhiimsan ee kobaca dhaqaalaha.

 

W/Q:Qoraa: ahmed abdi yusuf(freelance journalist)

Email: axmed.4004@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here