Abwaan Xasan Dhuxul Laabsaalax Oo Istanbul ku Qabtay Bandhig Suugaaneed kulmiyay Somalida Ku dhaqan Turkiga + SAWIRRO

0
1468

ISTANBUL — Abwaan Xasan Dhuxul Laabsaalax oo aad Looga Yaqaano Dhulka  Somalida, suugaantiisuna Raadayn Balaadhan dhagaha dadka ku yeelatay ayaa Habeen hore Ku Qabtay Magaalada Istanbul Ee Dadlka Turkiga Bandhig Suugaaneed kulmisay dhamaan  Dadka afsomaliga ku hadla.

Xasan Dhuxul Laabsaalax istanbul 3

Bandhig Suugaaneedkan oon Noociisu hore aanu uga dhicin Dalka Turkiga waxa uu Abwaan Laabsaalax ku soo Bandhigay Maansooyin Quluubta dadkii xafladaa joogay Habeenkii xalay ahaa saamayn ku yeeshay.

Munaasibadaa oo aad loo soo Agaasimay waxa ka soo Qayb galay inta Magac Soomaliyeed Wadaagta oo laf dhabar ay u ahaayeen ardayda somaliyeed ee wax ka barata dalka turkiga,

Waxaa kale oo meesha aan ka maqnayn Ganacsatada, iyo dad badan oo socdo  ah

Xasan Dhuxul Laabsaalax istanbul 2

abwaan xasan dhuxul Laabsaalax islamarkaana ah Gudoomiyaha Xidigaha geeska ayaa munaasibadaa ka jeediyay ka hor intii aanu maansooyinka gudo galin  , hadal dhinacyo Badan leh oo ku soo ururaayay Dhiirigalinta aqoonta waxaanu yidhi kalmado iyo odhaahyo ay aad ugu bogeen ardaydii xafladaasi ka soo qayb galay

waxaanu abwaanku yidhi, Ardayda waxaan Leeyahay- “Halgn baad ku jirtaan aad Naftiina iyo Noloshiinaba ku Xoraynaysaan-,waxaad qoysaskiinii, dalkiinii iyo Dadkiinii Uga soo Baadiyowdeen Waa Inaad AQoon korodhsataan Si Aad Uga Xorowdaan Cudurka Dalalka geeska iyo afrika Inteeda Badan  aafeeyay ee Jahligu sidaa darteed Waa muhim wakhtiga oo cimrigiina weerar ku haya inaad ka faa,iidaysataan-mana jirto Fursad maanta ku soo martay oo ka faa,iidaysigeedu Dib ku soo maraysaa.”

Xasan Dhuxul Laabsaalax istanbul 6

abwaan xasan dhuxul Laabsaalax oo ka hadlaayay Kaalinta ay aqoontu ku leedahay horumarka aadmiga isla markaana dunidan u badashay wuxu yidhi-“Tusaale ahaan 19960 iyo maanta  oo 2016 dunidu isku meel ma taagna Sababta ugu wayn ee arintaasi badashayna waa aqoonta-Hadaba siday aqoontu dunida u badashay qolooyinkiina ardada ah naftiina ha u badaso oo dalkiiNII  kula noqda aragti qof qoys iyo qaran lagu badali karo balse hadaad idinkii Halkan  jaamacado ka Dhameeyay  aad dalkii ku noqotaan  ood garanwaydaan si aad u noolaataan

waa nasiib Daro- Gidaar la istaago iyo maqaaxi laga sheekeeyo iyo dad aqoon lagu celiyaa oo iftiin iyo ilays loo noqdaa laba ha idiin kaala ahaadaan,

Xasan Dhuxul Laabsaalax istanbul 4

Abwaanka oo doorka dadaalku uu ku leeyahay horumarka qofka ka hadlaayay waxa kale oo uu yidhi- ha sugin cadeed kuu kuu dhalatay  inay kaaga wanaagsanaato tii kuu dhacday laakiin yeelo han iyo hami iyo higsi  suuro gal ka dhiga inay kaaga wanaagsanaato.”

Xasan Dhuxul Laabsaalax istanbul 8

abwaan xasan dhuxul Laabsaalax oo Si wayn suugaantiisa ay U Xiisaynayeen DadkiI xafladaasi ka soo Qayb Galay ayaa soo bandhigay maansooyin dhawra isagoo ku bilaabay kana sheekeeyay siday ku timid maansada La guurso Maxaad ku keentay?  hadaan soo Qaadano tuducyo maansadaa ka mid ah waxa ka Mid Ahaa.

 Xasan Dhuxul Laabsaalax istanbul 9

Ninkii tiisaba kafeeya

Ayaa tu kalana kalkaala

Xilkana korodhsiimo qaada

Kariim ubadkuu ku siiyay

Adoo kibir kaga dhaqaaqay

Adoo kas cad uga huleelay

Hankooda adoo karbaashay

Agtooda adoo ka keefay

Adoo kulankooda diiday

Miyaad qaar kale korriinka

Xilkooda kafaalo qaadday

Middaad kurtinoow aroostay —

Nin kaamila taa ku moodday

Wallee kabeheed ma yeella

Iyaba way kaa war keeni

Kulaylkana way muquuran

 Karbaashkana way la goohi

Kor iyo hoos bay u ooyi

Hadday soo laba kadlaysay

 Barriba way sii karaari

haday islahayd nin keenso

Kurbada way ila dareemi

Dabkiyo naartay kulaashay

 Dhibtaad hanfadow u keento

Kun jeer bay qoomamayni.

 

Waxa Kale Oo Abwaanku Halkaa ka Akhriyay Maanso Magaceeda la yidhaa Digniin- oo aad ugu dheeraanaysa kaalinta nolosha ay ku leeyihiin Haweenku iyo Maanso duco ah oo la yidhaa Xamdi Naq-

tuducyo ka mid ah maansada Xamdi Naqi waxay ahaayeeen

Intii Xumahay Ku Foogan

Xiqdiga Laab Iigu haysa

ifiyo  Aakhiro Xagayga-

Xorbaan U Cafiyay naftooda

 Xurmaan u Hibeeyay Toosan

 

Xasan dhuxul Laabsaalax oo su,aalo Farabadan ay dadkii xaflada ka soo qayb galay waydiiyeen ayaa si aftahanimo leh uga jawaabay waxaanu ka sheekeeyay, Siday ku yimaadeen Heeso caana oo uu hal abuuray.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here