Dhalinyaro Tahriib Ka Soo Noqday oo Lacag La Guddoonsiiyay

0
870

Hargeysa (Hargeisa Press)- Hay’adda arrimaha qoxoontiga iyo barolaceyaasha qaranka ee Somaliland ayaa maanta dhalinyaro ku wareejisay lacag maalgelin ah.

Dhalinyaradaasi oo tiradoodu dhan tahay 59 qof ayaa la guddoonsiiyay lacah qadarkeedu dhan yahay $118 oo dollar.

Waxaana lacagtaasi dhalinyaradan ku caawiyay haayadda qoxoontiga iyo barokaceyaaaha Somaliland iyo haayadda ka shaqaysa arrimaha muhaajiriinta ee IOM.

Dhallinyaradan lacagta lagu wareejiyey ayaa ka mid ahaa dhalinyaradii hore waddanka uga Tahriibay lagana soo celiyay waddamadda Liibiya iyo Suudaan.

Iyadoona mid kastoo ka mid ahaa 59 kaasi dhalinyaradda farta laga saaray $2000 (laba kun oo dollar).

Lacagtan ayaa  loogu talo galay in dhalinyaradaasi ay ku abuurtaaan fursado ganacsi oo ay naftooda iyo ta qoysaskooba wax ugu taraan.

Munaasibadii wareejinta lacagtaasi ee dhalinyarada waxaa goob joog ka ahaa guddoomiyaha haayadda qaxoontiga iyo barakacayaasha Qaranka Somaliland Cabdikariim Axmed Maxamed (Xinif), iyo masuuliyiin ka socday haayadda IOM.

Hargeisa Presa.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here