Adigo nabsigu waa tuke timir xamaalaya o mooge iga tiiri yidhi taana la arkeeye

0
1126

laba nino xigto ahaa ayaa midna danley ahaa mina waxooga “wasakha dunyaha” haystay maalin uu waxba so qaban waayey dumarki iyo caruurtina sugeyso ayuu ku soo ciiray ninkii wax haystay kuna yidhi waar maanta igaga rog meel aan ku dhaafa ma jirtee iyo jawaab deg-deg ah kuye ” haw-fadhiyin” ninkii danleyda ahaa alle muu-garansiin farajalaa-qariibe ninkiibu isula taagay tuducan aan qoraalka ugu magacdaray” adigoo nabsigu waa tukee timir xamaalaya oo mooge iga tiiri yidhi taana la arkeeye waxanu noqday tuduc samadu furayd ninkiina tafaaful ku noqday xoolohiisi kakac noqdeen ilaa uu ku danbeeyey xamaalkii loo sahadiyey uu isagii mooge ahaa ku yidhi kiiyo xamaala waar jawaank iga tiiri

Ujeedada sheekada:
safarka madaxwynaha ee jabuuti o siyaabo badan loo dhigayo iyo anigu sidaan u akhriyey o ah omer geele culys baa fuulay gudo iyo debedba ah waxaanu u baahaday tallo odey iyo talo siyaasi labadaba biixina wuxuu ku tuhmayaa inuu yahay talo qabeen arintaa tallo wanaagsan ka siin karo
haday arintu sidaan u akhriyey tahay tuduca aan qoraalka ugu macac daray “omer geele” maqabtaa? xageyga waa haa anigoon qabin inuu jiro nacayb gaara o uu reer somaali-laan uga doortay somalia ee dantiisa laba diidey sababo lawada og-soonyahay waxanu shaydaanku u sheegey somaalilaan o ictiraaf hesho waa jirid la’aantada waatuu u sameeyey reer xamarka “HIIL-WALAAl” kuma ceebsanayo o ninka wax taraa maxuma laakiin anigu markaan tayda wato sideed ii tidhaa “buudhigii iyo shidhkiibay kala horeysiiyeen”

reer jabuuti dadka shacabka ahi waa dad somaaliyeed dhibtoodu waa dhibteena makala maarano 100 wax oon reer xamar inaga dhaxayn ayaa inaga dhexeeya siyaasadi ina-geele inagu xumeeyey dadka shacabka ahi eed kuma leh isagey u gaar tahay
haday noqoto sidaan wax u akhriyey waxan leeyahay madaxweyne muuse hayeelin sidii ina geele inaga yeelay ilaa halgankii, reer jabuuti waa dadkeeni hadii hada waa hadii ay kuu baahdaan talo iyo tudhaale gogol xariira u dhig
Anigaa daruuraha u koray=roobka ii da’aye
nina-iima diirnixin=markaan daalana shalaye
israa’iila waa loo dalbaday= dabar go’aygiiye
wixiiyo diarada onkoda=lana dul gawdiidshay
rabbi doobirti iyo ragba= lagaga doogaa

hambalyo madaxweyne:
siyaasada fardo-fuulnimada leh een marqudha xakamaha loo dabcin

guuuuul iyo gobonimo s/land
somali-laaney laguuma baqo

dal/jir ibrahim adam elmi-galaan “qumaash”

LEAVE A REPLY