Dayaarad Xamuul ah oo ku bur-burtay Buuraha Alps ee dalka Faransiiska

0
807

Hargeysa, (HargeisaPress) — Diyaarad nuuca Xamuulka qaada ah oo laga leeyahay Dalka Jarmalka ayaa ku bur-burtay Buuraha Alps ee Koonfurta Dalka Faransiiska , waxaana yar rajada laga qabo in dadkii saarnaa diyaaradasai nolol lagu helo.

Diyaarada bur-burtay ee uu nooceedo ahaa Airbus A320 ayaa waxaa saarnaa dad gaaraya 148-qof waxa ayna diyaarada ka soo duushay Magaalaada Barceolana ee Dalka Spain waxa ayna kusii jeeday Magaalaada Duesseldorf ee dalka Jarmarka waxaa la sheegay in diyaarada ay dirtay qaylo dhaan ka hor intii aysan dhicin.

Madaxwaynaha Faransiiska Francois Hollande, oo goor dhaw ka hadlay shilkan diyaaradeed ayaa sheegay in ay yar tahay rajada lagu heli karo dad badbaaday, waxa uuna tilmaamay in ay socdaan baaritaano iyo gurmad .

Diyaaraddan laga leeyahay Dalka Jarmalka ayaa waxaa adeegsanayay shirkadda Jarmalka ah ee Germanwings, oo ka hoos shaqaysa shirkadda diyaaradaha Lufthansa.

Hay’adda dowladda Faransiiska u qabilsan baartiaanka shilalka gaadiidka ayaa sheegay in ay soo heleen sanduuqa madow (black box) la filayaa in laga helo macluumaad ku saabsan sababihii in dayaaradaas bur-burto.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here