Dawladda Ingiriiska Oo Soo Dhawaysay Heshiiska Asxaabta Qaranka Somaliland

0
914

Hargeysa, (HargeisaPress) — Dawladda Ingiriiska ayaa soo dhawaysay heshiiska saddexda Xisbi iyo xukumaddu isla gaadheen ee ah in doorashada la qabto bisha December  sanadka 2016-ka.

Safiirka xilka bannaynaya ee dalka Ingiriiska u qaabisan arrimaha Soomaaliya Ambassador Neil Wigan oo safar ku joogay Hargeysa labadii maalmood ee u dambeeyey, ayaa qoraal kooban oo uu ku faafiyey boggiisa Twitter-ka shalay, waxa uu yidhi; “Waxa aan soo dhaweynayaa heshiiska ay kala saxeexdeen xisbiyada siyaasadda ee Somaliland, iyagoo isku raacay hannaanka doorashooyinka iyo waqtiga ay qabsoomayaan (December 2016).”

Waxa kaloo uu sheegay in muddada uu joogay Hargeysa la kulmay Madaxweyne Siilaanyo, hoggaamiyeyaasha axsaabta qaranka iyo guddoomiyaha Golaha Guurtida, kana wadahadleen arrimaha doorashooyinka iyo xilliga ay qabsoomi karaan.

Geesta kale, Ambassador Neil Wigan oo hadal ka jeediyey xaflad loo sameeyey furitaanka mashaariic kala duwan oo laga hirgeliyey Madaarka Hargeysa shalay, ayaa ballanqaaday in dawladdiisu sii wadi doonto taageerada horumarka Somaliland.

UK envoy to Somaliland and Somalia Amb Neil Wigan and Guurti chairman Suleiman Aden pose outside the Somaliland parliament in Hargeisa after meeting
UK envoy to Somaliland and Somalia Amb Neil Wigan and Guurti chairman Suleiman Aden pose outside the Somaliland parliament in Hargeisa after meeting

“Markasta oo aannu aragno go’aanka iyo isku duubnida in la dhiso degannaanshaha iyo barwaaqada Somaliland waxay keenaysaa in dawladda Ingiriisku sii waddo iskaashiga ay idinla leedahay oo taageerto horumarka Somaliland,” ayuu yidhi Safiirku.

Waxa kaloo uu tilmaamay in casriyeynta lagu sameeyey madaarka Hargeysa ay sawir fiican ka bixinayso horumarka Somaliland ku tallaabsatay, “Waxa aan jecelahay in aan ku hambalyeeyo Jamhuuriyadda Somaliland iyo wasiirka duulistaba shaqada guusha ah ee aan arkay. Waxaan u malaynayaa in madaar cusub oo casri ah uu hanti weyn u yahay Somaliland, isagoo sawir fiican ka bixinaya Somaliland marka laga soo dego. Waxa kaloon aad ugu faraxsanahay maadaama aannu nahay dal saaxiib la ah Somaliland in aannu aragno dawladda Somaliland, xisbiyada mucaaridka, madax-dhaqameedka, culimaa’udiinka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland oo u midaysan taageerada horumarka dalkiida,” ayuu yidhi Neil Wigan.

 

Jamhuuriya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here