Dawladda Hoose Ee Laascaanood Oo Qabatay Raashin Dhacay Oo La Iibinayay

0
1116

Laascaanood (HP): Dawladda hoose ee degmadda Laascaanood ayaa maanta gacanta ku soo dhigtay raashin dhacay oo ay waaxda fayo-dhawrka iyo arrimaha bulshadda ka  soo qabteen Bakhaarro ku yaalla magaaladda Laascaanood.

Raashinkaasi oo noociisu yahay Daqiiq ayaa la sheegay in uu yahay mid dhacay, isla markaana dadkii ka ganacsanayay ay Jawaanadda ka bedeleen.

Waxaana raashinkaasi gacanta ku soo dhigay waaxda arrimaha bulshadda dawladda hoose ee Laascaanood oo kaashanaysa ciidamadda booliska.

Iyadoona la ogaaday kadib markii uu qiimaha caadiga ah ee Daqiiqda la siiyo wax ka dhimay dukaankii iibinayay.

Taasoo ay dadkii iibsaday ku ogaadeen in ay dhacday, kadibna ay ku soo wargeliyeen waaxda arrimaha bulshadda dawladda hoose ee Laascaanood.

Maayarka degmadda Laascaanood C/casiis Xuseen Taarwale, ayaa ka warbixiyay qaabkii loo soo qabtay Daqiiqdaasi dhacday.

“Raashinka waxaa laga soo ururiyay  magaaladda Laascaanood, waxaana laga bedelay Jawaanadda. Waana Daqiiq dhacday, oo Jawaano cusub la geliyay. Sanadkan 2020-ka ayaanay dhacday.

Waaxda arrimaha bulshadda ee dawladda hoose ee Laascaanood  iyo ciidamadda booliska ayaa soo qabtay”.

C/casiis Taarwale, waxa kaloo uu sheegay in Daqiiqdaasi dhacday lagu soo qabtay laba qof oo eedaysaneyaal, kuwaasoo sharciga la hor gayn doono.

“Waxaana lagu soo qabtay laba qof oo eedaysaneyaal ah, sharciga ayaana la hor gayn doonaa. Waa hawl khatar ku haysay guud ahaanba bulshadda ku nool magaaladda Laascaanood. Maadaama ay Daqiiqdu ka mid tahay aadka u isticmaalaan dadka Sooman.

Geesta kale maayarka Laascaanood ayaa uga digay ganacsatadda isku dayda in ay raashin dhacay magaaladda soo geliyaan in tallaabo sharciya laga qaadi doono.

Waxaanu tilmaamay in dawladda hoose ee Laascaanood ay markasta diyaar u tahay la dagaalanka badeecooyinka dhacay.

“Dawladda hoose waxay diyaar u tahay, wax kastoo fayo-dhawrka waxyeelaya, in ay tallaabo ka qaado, gacan Birr ahna ka qaado.

Cidii kale ee isku deyaysa ama Laascaanood ku soo wadda raashin dhacay-na, kolay dariiqaas ayuun baa la marin doonaa. Waxaanan leenahay ka digtoonaadda” ayuu yidhi maayarka Laascaanood.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here