Daraasad Lagu Hubinayay Tayadda Biyaha Ay Wershaduhu Sifeeyaan Oo La Soo Bandhigay

0
360

Hargaysa (HP): Waxaa maanta magaaladda Hargaysa lagu soo bandhigay Daraasad lagu eegayey Tayada biyaha Mooya-sixada ee ay soo wershaduhu soo saaraan.


Kulankan ayaa waxaa ka soo qayb galay shirkaddaha soo saara Biyaha mooya-sixada, wasiirrada wasaaradaha Caafimaadka, Biyaha, Haayadda Dhawrista Tayada Qaranka iyo maamulka Wakaaladda Biyaha Hargaysa.

Daraasaddan oo dulucda waxyaabaha ka soo baxay ay noqotay in biyaha mooya-sixada dalku ay guud ahaan yihiin kuwo ku haboon cabitaanka.
Marka loo eegayo heerka ay u u dejisay haayadda Caafimaadka aduunka WHO iyo heer-tayeedyada ay dejiyeen Waddamada Bariga Africa.
Sidoo kale waxaa daraasadaasi lagu iftiimiyay qodobo ay ka midyihiin:
1:  in macdanaha aasaasiga ah ee biyaha dabiiciga ah ku jira ay aad hoos ugu  dhacaan marka la sifeeyo biyaha loona baahanyahay in kor loo qaado.
2: in noocyada biyaha ee waaweyn(18 litre)  maadaama oo dib loo buuxiyo ay keento in ay ku dhalato il-maqabatiga bakteeriyada ah.
Waxaana ka mid ah (E.coli iyo Total Coliform), loona baahanyahay in xal loo helo.  3. In la is waafajiyo qoraalka weheliya caagadaha mooya-sixada(Label) iyo macdanaha ku jira biyahaas.

Ugu damabayntii, waxa si wadir-jir ah la iskula qaatay in guddi farsamo oo ka kooban Shirkaddaha biyaha mooya-sixada iyo haayaddaha dawladda ee ku shaqada leh loo saaro.
Si loo hirgaliyo talo-soo-jeedintii kasoo baxday cilmibaadhistan oo ahayd wajiga labaad ee daraasaddii la soo bandhigay horaantii bishii July ee sanadkan 2021-ka.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here