“Danta Somaliland waxay ku jirtaa nabadgeliyadda iyo midnimada”…

0
576

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Xildhibaan  Saleebaan  Garas Seed, oo ka mid ah mudaneyaasha golaha Guurtidda Somaliland ayaa ka hadlay  muhiimada  nabadgeliyadu u leeday  shacabka  iyo dalka Somaliland.

Waxaanu sheegay  in danta Somaliland ay ku jirto  midnimada iyo nabedgeliyadda dalka,is la markaana laga waantoobo  hadalada xanafta leh ee ay siyaasiyiintu dadka lagu kicinayo.

Xildhibaan Saleebaan  Garas  Seed,  oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargaysa waxa uu tilmaamay in aanay wax dalka iyo dadkaba u hagaagayaan jirin haddii aan nabad la helin.

Waxaanu yidhi “Danta  Somaliland waxay ku jirtaa nabadgeliyadda iyo midnimada,  ayay wax inooga dan yihiin. Haddii aan nabad la helin,  wax hagaagayaa ma jiraan. Waana in shacabka reer  Somaliland   ay wada ilaashadaan  nabadgeliyadda. Waana in la iska  ilaaliyaa hadalada xanafta leh ee dadka  kicinaya,  ee wax xumaynaya”.

Geesta kale Saleebaan Garad,  ayaa soo jeediyay in la kala xadeeyo gobolada iyo degmooyinka dalka ka hor  inta aan la qaban doorashada golaha Wakiilada, isla markaana dadka dib loo diiwaangeliyo.

“Waa in la kala xadeeyo goboladda iyo degmooyinka dalka, oo la sameeyo degmo kasta meesha u xad ah. Intaas oo gobol iyo degmooyin ah ayaa la sameeyay.

Waana in  mar labaad dadka la diiwaangeliyo dadka. Dadkii hore ee la diiwaangeliyay,  waxna way dhinteen,  waxna way  gaboobeen. Markaas ayay xalaal noqonaysaa doorashadda  golaha Wakiiladu.

Waana in la keeno xeerkii. Waxa kale maamul  daadejinta degmooyinka goboladda iyo degmooyinka   dawladaha   hoose”ayuu yidhi xildhibaan Saleebaan Garas.

Dhinaca kale  xildhibaanku waxa uu ugu baaqay beesha Caalamka in ay aqoonsadaan Somaliland, maadaamo oo sida uu sheegay ay Somaliland hore u soo qabatay doorashooyin kala duwan ooh ab dimoqraadi ah u dhacay.

Waxaanu yidhi “Doorashooyinka saddex jeer ayaynu madaxweyne dooranay,  oo baarlamaan iyo gole degaan ayaynu dooranay. Hore-na waynu u qabanay doorashooyinka,  dib-na waan u qaban doonaa.

Waxaana loo baahan yahay in la yidhaahdo doorashadii  qabanaye na ictiraafa. Weftiyadan qaramada Midoobay iyo beesha Caalamka ee inoo yimaada”.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here