Wasiir Ku-Xigeenka Warfaafinta Oo Tababar U Soo Xidhay Xubno Ka Mida Shaqaalaha Wasaaradda + SAWIRRO

0
1220

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta jamhuuriyadda Somaliland  C/naasir Cumar Jaamac,  ayaa maanta tababar ku saabsan tifatirka iyo diyaarinta war-saxaafadeedka u soo xidhay 15 ka mida shaqaalaha wasaaradda warfaafinta.

Tababarkani waxaa ka qayb qaadanayay ama la siiyay casharadda xubno ka kala socday qaybaha kala duwan ee waaxyaha wasaaradda warfaafinta, iyadoo tababarkaasi ay soo qaban qaabisay waaxda qorshaynta.

Munaasibadii xidhitaanka tababarkaasi oo lagu qabtay xarunta wasaaradda waxaa ka soo qayb galay agasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta, xubnihii tababarka ka qayb qadanayay iyo qaar ka mida hawlwadeenada wasaaradda Warfaafinta.

Ugu horayn waxa halkaasi ka hadashay la taliyaha wasiirka warfaafinta Somaliland   Faa’isa Maxamed,  oo sheegtay in tababarkani door muuqda ka qaadan doono dar-dar gelinta shaqada wasaaradda.

Maxamed Ciise Aadan, oo u hadlayay ka soo qayb galayaashi tababarkaasi ayaa sheegay in tababarkani  ay shaqaaluhu baahi weyn u qabeen.

Agaasimaha waaxda qorshaynta ee wasaaradda warfaafinta C/qaadir Askar, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay muhiimadda tababarkaasi iyo casharadii la baray ka qayb galeyaasha.

 

Waxaanu yidhi “Tababarkani oo ku saabsanaa sida war-saxaafadeed tool-moon oo aad u tayo sareeya loo diyaariyo iyo qorista mashaariicda.

Taasoo qayb ka ah maadaama oo wasaaradda warfaafintu ay tahay wasaaradda dalka u xilsaaran, baahinta  iyo gudbinta fariimaha dawladda, in habka fariimuhu dawladda uga baxayaan ay noqdaan kuwo si cilmiyaysan looga baaraan-dego, oo qoraal ah”.

“Taasi oo uu inaga caawinayay Mark Golden oo tababarka bixinayay. Tababarkani waxa uu noqonayaa kii ugu horeeyay, tababaro badan oo aynu ku tayaynayno hab qoraaleedkeena iyo war-murtiyeedyadda wasaaradda ka soo baxa iyo qoraaladda kale ee warbixinaha ah” ayuu yidhi C/qaadir Askar.

Wasiir ku xigeenka wasaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland C/naasir Cumar Jaamac, oo xidhitaankii tababarkaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in tababarkaasi uu qiimo weyn u leeyahay xubnihii qaatay.

 

“Tababarkani qiimaha uu leeyahay waxa weeye, mar haddii aynu nahay wasaaraddii warfaafinta ee qaranka Somaliland, aad iyo aad ayay muhiim u tahay in aynu kordhino aqoonta aynu u leenahay qaabka aynu war-saxaafadeedyadda u soo saarayno.

Qaabka aynu bulshadeena ula hadlayno, qaabka aynu ugu jawaabayno cadawga Somaliland  ay leedahay, ee inta badan dagaaladda inagu haya, mid dacaayad ah iyo mid gaca ka hadal ahba” ayuu yidhi wasiir ku-xgeenka warfaafintu.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi “Waxaas oo dhan aqoonta aynu halkan ka qaadanay ayaan rejaynayaa in ay wax badan ka bedeli doonto qaababkii hore ee aynu u hadli jirnay iyo sida aynu fariinta qaranka u gudbin jirnay, si ka duwan in aynu u gudbin doono.

Inagoo eegi doona goobta aynu ku gudbinayno, nooca fariinta aynu gudbinayno iyo meesha ku haboon ee aynu doonayno in fariintaasi aynu marin doono.Waxaan jeclahay intaaba in uu dabooli doono tababarkan maanta aynu soo xidhayno”.

Wasiir ku-xigeenka u mahad celiyay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland oo xubno ka socday ay tababarkaasi ka qayb qaateen, maadaama oo ay wadaageyaal ka yihiin labadda wasaaradood qaabka loo baahinayo siyaasadda dawladda.

Waxaanu yidhi “Guud ahaanba shaqaalhii ka qayb galay ee loo soo xulay ee  ka qayb qaatay tababarkani, waan u mahad celinaya.

Waxa kaloo aan mahad balaadhan u celinayaa, wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland oo  aynu wadaageyaal ka nahay qaabka siyaasadda dawladda loo baahinayo, oo iyaguna xubno tababarkan ka qayb galay u soo diray”.

 

Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Mukhtaar Maxamed Cali, ayaa isna halkaasi ka hadlay waxaanu yidhi  “U jeedadda aan tababarkan u qabanay ka wasaarad ahaan, waxay tahay sidii aan u kobcin lahayn shaqaalaha tayadoodda iyo aqoontoodda.

Sidii ay u noqon lahaayeen dad garanaya waxay qabanayaan iyo shaqadda ay qabanayaan. Waan u mahad celinayaa macalinkii tababarka bixinayay iyo sidoo kale ka soo qayb galeyaashaba.

Shaqaalaha ka faa’iidaystay ee tababarkan qaatay, waxaan u rejaynayaa in ay weelayn doonaan, oo ay hayn doonaan wixii la baray, kuna dabiqi doonaan shaqadoodda”.

Gebagebadii xidhitaanka tababarkaasi ayaa qaar ka  mida shaqaalaha lagu gudoonsiiyay shahaado sharafyo.

HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRADDA

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here