Dahabshiil Oo Gargaar Cunto Ah Ugu Yaboohday 150 Qoys Oo Ku Kala Nool Gobolada Awdal Iyo Selel

0
853

Boorama, , (HargeisaPress) β€”Shirkadda Dahabshiil Group ayaa gargaar cunto ah ugu yaboohday 150 qoys oo ay abaaruhu ku saameeyeen gobolada Awdal iyo Selel.

 

Munaasabada deeqdan lagu wareejinayay oo ka dhacday xarunta Guddida abaaraha Gobolka Awdal Boorama ayaa ugu horeyn waxaa ka hadlay Gudoomiyaha shirkadda Dahabdhiil ee gobolada Awdal iyo Selel Xaaji Ismaaciil Cabdi (Riiraash, ) waxaana uu ka warbixiyay hawlaha taakulaynta iyo wax ka qabashada ay ka gaysteen xaaladan abaaraha ah ee saamaysay guud Ahaan Somaliland, gaar ahaan Goboladad Awdal/Selel oo ay shalay gargaarkan cuntada ah ku wareejiyeen guddiga taakuleynta abaaraha labadaasi gobol.

 

Gudoomiye Riiraash ayaa sheegay in deeqdan raashinka ah ay ugu talo galeen in looga faa’iideeyo 150 qoys oo ka mid ah dadka ay abaaruhu sida xun u saameeyeen ee ku nool goboladan Awdal/Selel, ayna ka kooban tahay, raashinka daruuriga ah ee Bariiska, Timirta, Baastada, Saliida Iyo Daqiiqda, Isagoo guddoomiyuhu dhinaca kale sheegay inaanay waxba ka hagran doonin sidii loogu gargaari lahaa dadkaasi iyo xaalad kasta oo dadweytnaha Somaliland kala soo derista abaarahan.

 

Dhinaca kalena guddoomiye Riiraash ayaa xusay sida shirkadda Dahabshiil mar kasta dadweynaha dib ugu soo celiso faa’ iidooyinka soo gala, isla markaana horumarka dalka qayb libaax uga qayb qaadato tusaale ahaanna waxaa uu u soo qaatay jidka isku xidha Boorama iyo Dila.

 

Ugu Danbyan Gudoomiye Riiraash ayaa sheegay in Shacbiga Somaliland iyo gaar ahaan kuwa gobolada Awdal Iyo Selel ku nool ay ogaadeen in Shirkadani tahay Shirkadoodii waxa ay ka macaashtana ay had iyo jeeraale dib ugu soo celiso.

 

Dhanka kale waxaa isna hadal kaas la mid ah ka jeediyay iyo kuwa kaleba. Munaasabaddan ayaa sidoo kale waxa ka hadlay maamulaha shirkadda SOMTEL ee gobolada Awdal iyo Selel Cabdiqani Cali Xasan iyo xubno ka toirsan guddiga abaaraha gobolka ee gargaarkan lagu wareejiyey kuwaasoo Dahabshiil uga mahadceliyey gargaarkan, uguna duceeyeen in ilaahay shirkadda ka siiyo xasaanad.

 

 

HargeisaPress News Desk β€” Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here