Dad ka Badan 130 Qof oo Kulayl Ugu Dhintay Dalka Pakistan + SAWIRRO

0
856

Karachi (HargeisaPress/AFP) — Ugu yaraan 130 qof, ayaa u geeriyooday kulayl xad-dhaaf ah oo ka dhacay dalka Pakistan, gaar ahaan degaaanka magaalada caasimadda ah ee Karaji (Karachi) iyo gobolka ku yaal koonfurta dalkaas ee Sindh, halkaasoo kulaylku gaadhay 45 digrii. Xoghayaha caafimaadka ee Gobolka Sindh ee dalka Pakistan Mr. Saeed Mangejo, ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka ee AFP oo Shabakadda HargeisaPress.com  soo xigtay in degaankaas lagu soo rogay xaalad degdeg ah, kadib markii kulayl xooggan sababay in dad badan u geeriyoodaaan, iyadoo la joojiyey fasaxyada ay galaan dhakhaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha caafimaadku, isla markaan la diyaariyey dawooyin badan oo wax loogu qabto dadka waxyeeladu ka gaadhay mawjadaha kulaylka ah.

“Ilaa boqol qof oo la keenay cusbitaalka ayaa geeriyooday, waxayna dhammaantood u dhinteen kulayl xooggan oo jira.” Sidaa waxa yidhi Dr. Seemin Jamali oo ah madaxa qaybta gargaarka degdeg ah ee cusbitaal dawladdu leedahay, kaasoo xusay in dadka dhintay u badan yihiin dad waayeel ah. Halka sidoo kale dad gaadhaya ilaa 30 qof oo kalena ku dhinteen goobo kala duwan.

Karachi-death

Waaxda saadaasha hawada ee dalka Pakistan, ayaa sheegtay inay suurtogal tahay in heer-kulka xoogan hoos u dhaco maalmaha soo socda, balse dhakhaatiirta, ayaa ka digay in la socdo xilliga qoraxdu kulushay, isla markaana ku taliyey in la xidho dharka khafiifka ah si looga feejignaado khatarta kulaylka ka jira degaanno badan oo dalka Pakistan ah.

Dhinaca kale, hoos-u-dhac weyn oo dhinaca korontada ama laydhka ayaa laga dareemay dalka Pakistan, gaar ahaan magaalada caasimadda ah ee Karachi, taasoo sii xumaysay in dad badan u nuglaadaan xaalada kulaylka ah, iyadoo dadweyne aad u badan sameeyeen mudaharaad ay ku dhaliileen shirkadaha bixiya adeega korontada.

Ra’iisal-wasaaraha dalka Pakistan Mr. Nawaz Sharif, ayaa soo saaray digniin ah in aannu u dul-qaadan doonin in koronto la’aan laga dareemo dalkiisa xilli lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan, isagoo ku baaqay in shirkadaha laydhku kordhiyeen xaddiga koronto ee ay bixiyaan.

Geesta kale, Jaamacadda magaalada Karachi (Karachi University), ayaa soo saartay ogaysiis ah inay muddo bil ah dib u dhigeen waqtiga ardaydu geli lahaayeen imtixaanka guud, sababo la xidhiidha dhinac cimilada xumaatay iyo kulayka taagan ee keenay in dad badan u dhintaan.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here