Dacwadii Garabyada Xisbiga UCID oo Ga’aamo laga soo saaray iyo Labadii Garab oo soo dhaweeyay

0
814

Hargeysa, (HargeisaPress) —Gudida diiwaangalinta ururada siyaasada Somaliland oo muddo gaadhaysa bil iyo badh ku hawlanaa sidii ay u xalin lahayeen khilaafka ka dhex taagan xisbiga UCID ee u dhaxeeya gudoomiye Faysal Cali Waraabe iyo musharax Jamaal Cali Xuseey ayaa maanta xal kasoo saaray khilaafkaasi.

 

Waxaana gudidan kulan ay maanta qabsadeen isla markaa goob jaoog k ahaayeen gudoomiye Faysal iyo musharax Jamaal kaso saareen qodobo door ah oo ay u arkeen in xal uu u noqon karo khilaafka xisbiaga UCID.

 

Qodobadan ay kasoo saareen gudidu khilaafka ayaa waxa ku jiray in labada garab ee akhilaafku ka dhex taagan yahay ay muddo dhan afartan casho gudaheed ku qabsadaan shirwayne aan caadi ahayn oo lagu ansixinayo musharaxnimada Jamaal Cali Xuseen ee  xisbiga UCID taasi oo ka bilaabmaysa 21-01-2016-., sidoo kalena waxay gudidan ganafka ku dhufteen xil ka qaadistii uu sameeyey gudoomiye Faysal iyaga oo sheegay inay tahay mid aan sharci ahayn.

 

Halkan hoose ka akhriso xalka ay gudida diiwaangalintu kasoo saareen khilafka xisbiga UCID.

qor1

qor2

qor3

qora

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here