Dablay Hubaysan Oo Sadex Qof Oo Shacab Ah Ku Toogtay Magaalada Laas-caanood + Ciidamada Booliska Gobolkaasi Oo Heegan Culus La Galiyey.

0
1324
magaalada Laascaanood

Laas-caanood,(HargeisaPress) —Dablay Hubaysan oo aan haybtooda la garanayn ayaa gudaha magaalada Laascaanood waxa ay Weerar qorsheysan dhaawacyo kala duwan ugu geysteen Sadex Qof oo shacab ah isla markaasina ay laba yihiin rag halka ay midina tahay Haween waxaana xusid mudan in haweeynaydani ku dhaawacantay weerarkani ay ku dhacday xabad seeraaro ah.

Weerarkani qorsheysan ee kooxdani dablayda ahi dhaawacyada ugu geysteen sadexdani qof ee shacabka ah ayaa ka dhacay gudaha magaaladaasi, sidoo kalana kooxdani geystay dhaawacyadani ayaa goobtii uu weerarkaasi ka dhacay ka baxsaday.

Ciidamadanka Nabad-gelyada Booliska ee Gobolkaasi Sool ayaa heegan Culus la galiyey sidii ay uga hawl gali lahaayeen soo qabashada dablaydani hubaysan ee falkani ka soo horjeeda amniga ka geystay gudaha magaalada Laascaanood, iyadoona ilaa caawa ay magaaladaasi wadooyinkeeda ay ka socdeen hawlgalo lagu baadhayo gaadiidka kala duwan ee ka dhex adeega gudaha magaaladaasi.

Sadexdani qof ee la dhaawacay ayaa waxa xaaladooda caafimaad lagula tacaalayaa cisbitaalka guud ee magaaladaasi Laas-caanood.

Ugu dambayntii falkani ayaa ah mid khatar weyn ku ah amniga magaalada Laascaanood, waxaana si weyn isha ugu hayaan bulshada gobolkaasi Soo Qabashada dablaydani aan haybtooda la aqoonsan ee geystay falkani.

HargeisaPress News Desk —Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here